TSA-DA MARAYKANKA OO GAARTAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-GAROONKA ADEN CADDE EE MUQDISHO.

(MUQDISHO)-Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aden Cabdulle Cismaan(Aden Cadde) ayaa maanta oo Talaada ah qaabilay masuuliyiin ka socoto Hayadda TSA-da dalka Maraykanka u aabilsan Amniga Garoomadda. Kulanka oo ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ayaa waxaa ka qeybgalay Hayadaha Amniga Garoonka iyo Hayadda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka socotay Hayadda Maraykanka u qaabilsan Amniga Garoomadda TSA,kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaay horumarinta Amniga Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho. Masuuliyiinta ka socdo hayadda TSA ayaa dalka Soomaaliya joogi doono muddo seddex maalmood ah iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka hawlgala Garoonka Aden Cadde,kulamadaan ayaa lagu qiimeyn doonaa heerka wanaagsan ee Hayadaha Amniga Soomaaliya ey gaarsiiyeen sugidda Amniga Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho. Kulanka Masuuliyiinta maamulka Garoonka Aden Cadde,Hayadaha Amniga Garoonka iyo Hayadda Duulista Rayidka oo dhinac ah iyo Hayadda TSA ee dalka Maraykanka ey ku yeesheen xafiiska maamulka Garoonka Aden Cadde ayaa gogol xaar u noqon doono sidii lagu gaari lahaay in diyaaradaha ka duula Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee Muqdisho ey si toos ah uga degaan Garoomadda diyaaradaha dalka Maraykanka.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO DAD SHACAB AH KU LAAYEY TUULADDA BALLAW EYLE.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN OO LA KULMAY….