MADAXWEYNE XASAN OO LA KULMAY….
(SAWIRKA)-MADAXWEYANAYAASHA SOOMAALIYA IYO ERITEREEYA OO JOOGA XERADDA CIIDANKA.
(ASMARA)-Wararka laga helaayo magaaladda Caasimadda ah Asmara ee dalka Eritereeya ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha dalka Eritereeya Isaias Afwerki ey kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Cirka Soomaaliya oo tababar ku qaadanaayo Xarunta Ciidanka Cirka ee dalka Eritereeya(EAF) ee magaaladda Asmara. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay Ciidanka isagoo intaas ka dib u kuur galay xaaladaha ey ku sugan yihiin,waxa uuna warbixinno ka dhegaystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta tababarka u socdo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ka dib soo gabagabeeyey Socdaalkiisii uu ku joogay maglaadadda Asmara ee dalka Eritereeya. Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Md.Xasan Sheekh ayaa safarkiisa dalka Eritereeya ahaay mid aan horay loo soo shaacin oo warbaahinta Qaranka iyo mida Maxaliga ahba midna kama uusan hadal safarka MW-Xasan ku tegay dalka Eritereeya shalay oo Isniin ahayd,balse waxaa la ogyahay in dalka Soomaaliya uu dagaal adag kula jiro kooxaha Argagixisadda ah ee Alshabaab iyo Daacish oo dalka kaga sugan meelo fara badan.
ISHA/SNTV.