ALSHABAAB OO DAD SHACAB AH KU LAAYEY TUULADDA BALLAW EYLE.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(BARIIRE)-Wararka laga helaayo degaanka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee G/shabeeladda Hoose maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,degaankaan ayaa muhiim u ah kooxda Alshabaab waayo kooxda Alshabaab ayaa la sheegaa in halkaan ey ugu yiileen Beero lagu beeray Maandooriyaha Xashiishka kaaso kooxda Alshabaab si ba’an ey uga sameyn jirtay dhaqaale aad xoogan. Degaanka Bariire waxaa saldhig ciidan ku lahaay ciidamo u dhashay dalka Ugandha kana tirsan ciidamadda Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee loo yaqaano ATMIS,waxaa saldhiga Bariire Atmis kala wareegay todobaad ka hor Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed qeybahooda kala gedisan,waxaane maanta weerar kula soo jarmaaday kooxda Alshabaab oo hamineysay in degaanka Bariire ey dib ugala wareegaan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,goobta la isku fara saaray ayaa ah Tuuladda Ballaw Eyle una dhexeyso degaanadda Bariire iyo Beledul-Amiin,kooxda Alshabaab ayaa ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed kala kulantay iska caabin aad u xoogan waxaane kooxda Alshabaab loo gaystay jab aad u xun waxaane laga dilay maleeshiyaad aad u fara badan. Gudoomiyaha degaanka Bariire Md.C/laahi Abuukar Axmed oo la hadlay warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ey Hoobiyeyaal ku garaaceen degaanka Ballaw Eyle halkaasne ey ku dhinteen dad badan oo isku qoys ah,dadkii dhaawacmayne waxaa loo qaaday magaaladda Muqdisho,kuwaso hadda lagu daaweynaayo Isbitaalka Soomaali Suudaani ee mgaaladda Muqdisho. Gudoomiyaha Dhallinyaradda G/shabeeladda Hoose Md.Yuusuf Cali Cismaan oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa isne sheegay in Kooxda Alshabaab hoobiye ey ku garaacday tuuladda Ballaw Eyle markii ey ka cararayeen goobtii looga itaal roonaaday. Dhinaca Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa la soo sheegay in dhinacooda dhimashadda dhan tahay ilaa seddex askeri waxaane dhaawacmay ilaa lix askeri,dadka ku dhaawacmay weerarka Alshabaab ayaa waxaa ka mid ah Taliye Urur oo ka tirsan ciidanka GorGor lana yiraahdo C/salaan Jaamac,DFS ayaan weli ka hadlin dagaalkii saakay ka dhacay Tuuladda Ballaw Eyle ee degaanka Bariire.

ISHA.SB-MEDIA.

Previous
Previous

PUNTLAND: WAA KUWEE MASULIYIINTA LAGU DHEGAN YAHAY?

Next
Next

TSA-DA MARAYKANKA OO GAARTAY MUQDISHO.