PUNTLAND: WAA KUWEE MASULIYIINTA LAGU DHEGAN YAHAY?
(SAWIRKA)-QORAAL KA SOO BAXAY HANTIDHAWKA PUNTLAND.
(GARAWE)-Wararka ka imaanayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegayo in Hanti Dhawraha Guud ee Puntand Md. Cismaan Maxamuud Cali uu maanta oo Arbaca ah uu soo saaray Qoraal uu Cinwaan uga Dhigay “Cidda Ey Khuseyso”,Ujeedka warqadda Hantidhawrka Guud ee Puntland ayaa ah Dib u soo celinta Gaadiidka Dawladda Puntland kuna maqan gacanta masuuliyiin horay xilal uga haayey dawladda Puntland basle hadda u badan kuwa mucaarad ku ah maamulka hadda ka jira Puntland ee uu Hogaamiyo Siciid C/laahi Deni. Sida uu sheegay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Puntland waxa uu sameeyey baaritaan dheer oo la xiriira hantida shacabka Puntland leeyahay ey si sharci darra ah u haystaan masuuliyiin hore,hantidaas ayuu sheegay hantidhawruhu in sifo sharci darra ah loo qaatay, kuwa kalane si burcadnima ah loola baxsaday(dhacay),soo celinta hantidaas ayuu hantidhawruhu u qabtay waqti Go’an kuna eg taariikhda markeey tahay 16/7/2014-ka kuna beegan Talaadada soo socoto. Hadaba SB-Media oo baaris kooban iyo xooraansi ku sameysay Gaadiidka ku maqan Masuuliyiin hore oo reer Puntland ah ayaa soo ogaatay masuuliyiinta loo haysto Gaadiidka maqan kuwa ey yihiin iyo xilalkoodii hore waane sidan: (1)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntlanda Dhabanacad oo hadda ah Wasiirka Qarsoon ee Maaliyadda Puntland. (2)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda uuna xilka kala wareegay Dahabancad Md.Xasan shire Abgaalaw hadane Mucaarad ku ah Dawaladda Puntland. (3)-Wasiirkii Hore ee Amniga Puntland C/samad Gallan,hadana ka mid ah Mucaarad dawladda Puntland. (4)-Gudoomiyihii hore ee Aqalka Wakiiladda dawladda Puntland Md.Abwaan C/rashiid. (5)-Wasiirkii hore ee Tamarta iyo Macdanta dawladda Puntland Md.Caarshe Maxamed Siciid. (6)-Talyihii hore ee Booliska ee dawladda Puntland Sareeya Guuto Maxamed Cali Xaashi. (7)-Wasiirkii hore ee dekedaha iyo Gadiidka badda Md.Axmed Yaasiin. (8)-Duqii hore ee magaaladda Boosaaso. (9)-Duqii hore ee magaaladda Gaalkacyo. (10)-Wasiirkii hore ee Warfaafinta Puntland hadane ah Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee BJFS kana mid ah Mucaaradka maamulka Deni Hogaamiyo Senitar C/laahi Cali xersi(Timacadde). (11)-Agaasimihii hore ee Hayadda Maamul Wanaaga Puntland. (12)-Agaasimihii hore ee Wasaaradda Degaanka iyo Beeraha Md.C/casis Nuur Cilmi Koor,oo la sheegay iney ku maqan tahay afar gaari oo kala ah laba loogu talagalay Ayaxa iyo labo Wiishash ah. (13)-Agaasimihii hore ee Beeraha Puntland. (14)-Wasiirul dawlihii hore ee Degaanka iyo Beeraha Puntland ayaa la maqan hal gaari oo kuwa Ayaxa ah iyo hal Cagaf-Cagaf. Arrintaan ayaa u muuqata iney tahay mid laga leeyahay dano siyaasadeed balse eysan ahayn mid loogu daneynaayo shacabka,shaqaalaha iyo Ciidamadda dhiban ee Puntland waayo haddii Hantidhawraha Puntland yahay mid u madax banaan hawshiisa muxuu wax uga qaban la’ayahay arrimaha sababay Mushaar la’aanta Ciidamadda iyo shaqaalaha Puntland.
ISHA/SB-MEDIA.