TOOGASHO KA DHACDAY MARAYKANKA OO UU KU DHINTAY WIIL SOOMAALI AH.
(USA):Dalka Maraykanka waxaa ku nool dad fara badan oo Soomaali ah oo intooda badan dalkaas ku tageen qaxootinimo waxa eeyna ku kala baahsan yihiin kontanka gobol ee uu ka kooban yahay dalka Maraykanka,qaar ka mida dadkaas Soomaaliyeed ayey u suuragashay ineey wax bartaan nolshana ka sameeyaan horumar waxna taraan walaalahooda ku cusub dalka Maraykanka una baahan in wax lala qabto si eey ula qabsadaan nolosha ka jirta dalka Maraykanka,hadaba maxaa dhacay maalintii shalay ee Sabtida ahayd kuna beegneed 25/9/2021-ka? Gobolka Washington Seattle ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ka dhacay toogasho meel eey ka jirtay xaflad kuna dhex tiilay halka eey degan yihiin ardayda wax ka barata jaamicadda gobolka(Washington State University) toogashada ayaa waxaa ku dhintay wiil asal ahaan ka soo jeedo dalka Soomaaliya magaciisana lagu sheegay AUN-Liibaan A.Barre waxaane ku dhaawacmay arday wax ka barta Jaamicadda una ciyaara Football-ka Maraykanka kasoo xaaladiisu aad u liidato sdia la soo sheegaayo. Wargayska THE SEATTLE TIMES oo wax ka qoray dhacdadaan xanuunka badan ayaa marxuum Liibaan ku sheegay inuu ahaay nin u adeega jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolkaas waxa uuna Liibaan ka caawini jiray hawlaha eey uga baahan yihiin xafiisyadda dawladda waxa uuna Liibaan u sharaxnaay sida la sheegay inuu xil ka qabto gobolka balse tii alle ayaa u timid,arrintaan ayaa loo soo qabtay dad kala gedisan kuna jiro gacanta hayadaha amniga gobolka.XIGASHO SEATTLE TIMES.