TOOGASHO KA DHACDAY DUGSI HOOSE DALKA MARAYKANKA.
SWIRKA DADKII LA LAAYEY CARUURTOODA.
(UVALDE-TEXAS)-Wiil 18-jir ah ayaa toogasho ka geystay dugsi hoose kuna yaalo gobolka Texas ee dalka Maraykanka. Wiilkaan dhallinyarada ah ayaa waxa uu dilay dad eey tiradoodu dhan tahay 21-qofood maanta oo Talaado ah,dadka ku dhintay toogashada ka dhacday dugsiga hoose ayaa 18-ka mida eey yihiin caruur dhiganeysay dugsiga halka seddexda kale ahaayeen macallimiin dugsiga wax ka dhigeysay,marka uu wiilkaan dilaayey caruurta iyo macallimintooda ugu gelaayey fasaladooda sida eey sheegeen masuuliyiinta gobolka Texas,ninka dilka geystay ayaa la sheegay in isagana eey toogteen ciidamadda amaanka ee soo gaaray dugsiga eey toogashada ka dhacday. Ninka toogtay caruurta iyo macallimintooda ee 18-jirka ah ayaa magaciisa lagu sheegay SALVADOR ROMAS,waxa uuna Romas horay u soo dilay ayeeyadiis gudaha gurigeeda subaxii hore ee maanta waana isaga soo cararay halkii uu ku dilay ayeeyadiis waxa uuna ku soo baxsaday baabuur ka hor inta uusan baabuur kaga halaabin banaanka dugsiga uu ku laayey caruurta iyo macallimiintooda,waxa uuna Romas u soo cararay gudaha dugsiga hoose kana geystay dilkaas foosha xun,halka uu ku yaalo dugsiga eey ka dhacday toogashada UVALDE ayaa ah goob eey si aad ah u degan yihiin dadka ka soo jeedo wadamadda deriska la ah Maraykanka(LATINO),dugsiga lagu laayey caruurta iyo macallimiintooda 85-Mile ayuu koonfur kaga beegan tahay magaaladda San Antonio ee ku dhaw xuduudka u dhexeeyo wadamadda Maraykanka iyo Mexico.Dugsiga eey ka dhacday toogashada maanta ayaa waxaa dhigto arday dhan 570-arday fasaladda dugsiga ayaa ah 2-aad ila 4-aad ee dugsiga hoose,aradayda ayaa la sheegay in 90% yihiin HISPANIC. Arrintaan ayaa imaanayso toban maalin ka dib xasuuqii ka dhacay magaaladda Buffalo ee gobolka New york waxaane halkaas lagu dilay dad gaaraayo 13-qofood oo ku sugnaay goob eey ka suuqeysanaayeen,dadka lagu dilay Buffalo ayaa wada ahaay MADAW ninka laayey dadka oo 18-jir cadaan ah ayaa lagu sheegay inuu ahaay nin cunsuri ah.
ISHA WARKA WAKAALADO.