TOBAN SANO KA HORAY MAXAA KA DHACAY NAIROBI?
(SAWIRKA)-DADKII KA SUQEYSANAAYEY WESTGATE MALL.
(NAIROBI)-Waxa aan inta badan maqalnaa in kooxda Alshabaab ayaa weerartay Hotel iyo ku yaalo magaaladda Muqdisho halkaasne ku dishay dad shacab ah iyo masuuliyiin deganaay Hotelka laakinse ma aan maqalno warbaahin soo qaadato dhacdadaasi isla markaasne xusuusiya dadka Soomaaliyeed inuu gaaray dhib aanan la iloobi karin si ey uga feejignaadaan dhacdadasi oo kale iney mar kale ku dhacdo. Dalka Kenya hal mar ayaa la weeraray Hotel ku yaalo magaaladdaq Caasimadda ah ee Nairobi saxaafadda dalkaasina waxa ayey ka qortaa dhacdadaasi,hadaba maanta maxaa la qoray oo ka dhacay dalka Kenya? Waxay ahayd maalin Talaada ah taariikhduna ey ku beegan tahay 21/9/2010-kii toban sano ka hor waxaa la weeraray dhismo laga dukaamaysto kuna yaalo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi loona yaqaano Westgate Mall,goobtaan ayaa waxaa galay afar nin oo ka tirsan kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya,afarta nin ayaa ku hubaysnaay hubka fudud sida AK-47 iyo bambooyinka laga tuuro gacanta. Kooxda weerartay goobta laga suuqeysto ee Westgate Mall ayaa haysatay Mall-ka muddo dhan afar maalmood si loo soo afrjaro weerarka,weerarkaan ayaa waxaa ku geriyooday dad gaarayo ilaa 67-qofood kana soo kala jeedo 13-dal waxaane ku dhaawacmay boqolaal kale oo ka mid ah dadkii dukaanka la weeraray ka suuqeysanaayey.
ISHA/BBC-SOMALI.