TARTANKII-19-AAD EE FIFA-U-17 OO SI HABSAMI AH UGA SOCDO…
(SAWIRKA)-GAROONKA CAALAMIGA AH EE JAKARTA.
(JAKARTA)-Dalka Indonisiya waxaa si habsami ah uga socdo Tartanka Kubadda Cagta ee Koobka Adduunka dhallinta da’adooda ka yar tahay 17-sano(FIFA U-17),tartankaan ayaa waxaa ka qeybgeaayo 24-kooxood oo isaga kala timid adduunka oo dhan,Qaaradda Afrika ayaa tartankan waxaa ku metelaayo Xulalka Qaranada kala ah”Marooko,Senigal,Maali iyo Burkino Faaso”tartankan ayaa soo bilawday 10/11/23-ka waxa uuna dhammaan doonaa 2/12/23-ka,lixda wareeg ee loo qeybiyey ayaa kala ah,Wareega(A)-”Ecuador-Panama-Morocco-Indonisia”,Wareega(B)-”Canada-Mali-Uzbekistan-Spain”,Wareega(C)-”Brazil-New Caledonia-England-Iran”,Wareega”(D)-Senigal-Poland-Japan-Argentina”,Wareega(E)-”USA-Burkino Faso-France-South Korea”,Wareega(F)-”Mexico-Venezuella-New Zealand-Germany”. Kualanadii ugu dambeeyey waxa ey dheceen maanta ooISNIIN ah 13/11/23-ka waxaa isku arkay Spain Vs Mali(1-0),Marocco Vs Ecuador(0-2),Uzbekistan Vs Canada(3-0),Indonisia Vs Panama(1-1), kooxaha cayaaray maanta ayaa ka wada tirsan Wareegyada (A&B),kulanada lagu wado iney berri oo Talaada ah(14/11/23)-ka dhacaan ayaa waxaa isku arki doono kooxaha ka kala tirsan Wareegyada (C&D) waane sidaan”Brazil Vs New Caledonia, England Vs Iran, Senigal Vs Poland, Japan Vs Argentina, wixii natiija ah waa inoo berri Inshaa Alahaa. Kulanadaan ayaa ka wada dhacaayo afar garoon oo caalami ah kalana ah JAKARTA, BANDUG, SURAKARTA iyo SURABAYA”.
ISHA/SUUQ-BACAAD MEDIA.
MUQDISHO/SOMLIA.