MW-XASAN SHEEKH OO KA HADLAY FATAHAADA.

(SAWIRKA)-FATAHAADA G/SHABEELADA HOOSE.

(MARKA)-Wararka laga helaayo caaasimadda Gobolka Shabeeladda Hoose ee Marka ayaa sheegayo in Wabiga Shabeele uu sameeyey fatahaad saacadihii la soo dhaafay,degaanada uu Wabigu ku soo fatahay ayaa kala ah Buula-Mareer iyo Golweyn oo dhammaan ka wada tirsan G/shabeeladda Hoose,sawiro laga soo qaaday goobihii uu ku fatahay Wabiga Shabeele ayaa muujinaayo baaxadda ey la eg tahay Fatahaada. Dhinaca kale,degmooyinka Afgoye,Awdheegle iyo degaanka Janaaale ayaa iyagane la soo sheegayaa in Wabiga Shabeele uu ka Fatahay in kastoo aan laga soo sheegin wax khasaaro ah ey fatahaadu gaysatay,maamlmo ka hor ayey ahayd markii Gudoomiyaha G/shabeelada Hoose ee maamulka KGS Md.Maxamed Ibrahim Barre uu sheegay in degmooyin ka tirsan G/shabeeladda Hoose looga cabsi qabo in Wabiga Shabeele uu ku soo fataho.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TARTANKII-19-AAD EE FIFA-U-17 OO SI HABSAMI AH UGA SOCDO…

Next
Next

MIDAWGA YURUB OO KA HADLAY DAGAALKA GAZA.