MIDAWGA YURUB OO KA HADLAY DAGAALKA GAZA.
(SAWIRKA)-JOSEP BORREL.
(BRUSSELS)-Wararka ka imaanayo xarunta Midaga Yurub ee Brussels ayaa sheegaayo in 27-dal kana tirsan Midawga Yurub iney si wadajir ah u cambaareyeen Xarakada Xamaas waxa eyna ku tilmaameen iney tahay mid u adeegsaneyso Isbitaalada iyo dadka Rayidka ah”Gaashaanka Bani’adamka”ee dagaalka ka dhanka ah Isra’iil. Madaxa arrimaha dibadda ee Midawga Yurub Josep Borrel ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in isla waqtigaas uu Ururka Midawga Yurub ka codsaday Isra’iil “Xakameynta iyo beegsiga ugu badan si looga fogaado waxyeeladda bani’adanka”. Kulan ey isugu yimaadeen Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Ururka Midawga Yurub ayuu Josep Borrel waxa uu si waabsi ah uu u soo saaray qoraal isaga oo ku hadlaayo magaca 27-ka dawladood si u u muujiyo midnimada ka dib todobaadyo badan oo bayaano is burinaayo kuna saabsan sida kooxdu u wajihi lahayd dagaalka Xarakada Xamaas iyo Isra’iil.
ISHA/AP.