GEBER BIDEN AWOOWE U YAHAY OO LA DAMCAY IN…
(SAWIRKA)-NOAMI BIDEN.
(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in ciidamadda Qarsoon ee ilaaladda Gaarka u ah Geber uu Awoowe u yahay Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa rasaaseyey seddex qofood ka dib markii ey arkeen iyagoo isku dayaayo iney Jabsadaan gaari nuuciisu yahay kuwa waa weyn oo yiilay goob baabuurta la dhigto kuna taalo caasimadda Washington ee dalkaasi Maraykanka,masuuliyiinta amaanka ayaa sidaas u sheegay Wakaaladda Wararka Associated Press(AP). Ilaaladda gaarka ah ee Naomi Biden ayaa ku sugneed banaanka Georgetown habeenimadii Axada waqti dambe markii ey arkeen seddex qofood oo jrbinaayo daaqadda gaari yiilay goobta baabuurta la dhigto,mana eysana jirin cid saarneed gaariga la jabsanaayey daaqadiisa,sidaas waxaa la soo xigtay masuuliyiin dhinaca amniga ah balse waxa ey go’aansadeen masuuliyiintaasi ineysan xog buuxda ka bixin baaritaanka socda si dadweynaha u wada arkaan,sidaasne waxaa Wakaaladda Wararka Caalamiga ah ee (AP) la wadaagay qof qariyey magaciisa.
ISHA/VOA.