MAXAA ISKA BEDELAY AMNIGA CAASIMADDA MUQDISHO?

(SAWIRKA)-MASULIYINTI U ADEGAAYEY ALSHABAAB EE LA XUKUMAY.

(MUQDISHO)-Marka laga soo bilaabo Feberaayo-2017-kii dalkana uu Madaxweyne la doortay uu ka noqday Maxamed C/laahi Farmaajo waxa ey fursad qaali ah aan marnaba la dhumin karin ey noqotay kooxda Alshabaab oo waqtigaas uu haystay cariiri dhinacyo badan ka taabanaayey,waxa ey kooxda awood u yeelatay iney toos ah ugu dhex milanto hayadihii Qaranka gaar ahaan kuwooda Amniga iyo Maaliyadda. Kooxda Alshabaab waxaa u suurtagashay iney waxey doonaan ey ka sameeyaan magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho,waxay handadi jireen dilne ugu hanjabi jireen saraakiisha ciidamadda iyo masuuliyiinta ka shaqeeyo Wasaaradaha Xukuumadda,Ganacsatada ayaga baad joogta ah ayey kooxda Alshabaab ka qaadi jirtay weliba si joogta ah haddii Ganacsatadu eysan bixin baada laga rabo waxaa la soo gudboonaan jirtay weeraro wata Qaraxyo iyo gudaha loo galo goobahooda Ganacsi waxyeelana loogu gaysto dad shacab iyo shaqaale ka kooban. Maalmo ka hor ayey ahayd markii ey Maxkamada Ciidamadda Qalabka Sida ey xukuno kala duwan ey ku riday dad la sheegay iney ka tirsanaayeen Maamulka G/banaadir gaar ahaan kan degmada Hodan,dadkaan la xukumay ayaa ahaay masuuliyiin u adeegaayey kooxda Alshabaab una gudbin jiray xogaha kuwa ey shaqo wadaaga yihiin si loo khaarjiyo.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

PUNTLAND MA GU’U BAA UGU DARSAMAY MASE GARAAD?

Next
Next

TARTANKII-19-AAD EE FIFA-U-17 OO SI HABSAMI AH UGA SOCDO…