TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADDA DALKA TALYAANIGA OO SOO GAARAY MUQDISHO.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO LA KULMAY TALIYAHA CIIDAMADDA TALYAANIGA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta oo Talaada ah(13/2/24)-ka uu Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Guud ee ciidamadda dalka Talyaaniga Admira Giuseppe Cavo Dragone. Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas.Ibrahim Sheekh Muxyadiin Cadaw,waxaane kulanka looga hadlay iskaashiga Amni ee labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.Xoojinta wada shaqeynta,doorka dawladda Talyaaniga ee dib u dhiska ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya iyo tayeyntooda,taageeradda garab istaaga dawaladda Soomaaliyeed ee la dagaalanka Argagixisada Alshabaab.

ISHA/VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

BAARLAMAANKA SOOMALILAND OO HORYIMID HESHIISKII MUUSE SAXIIXAY.

Next
Next

WARIYE KA TIRSAN ALJAZEERA OO LAGU DHAAWACAY RAFAX.