WARIYE KA TIRSAN ALJAZEERA OO LAGU DHAAWACAY RAFAX.

(SAWIRKA)SAXAAFADDA.

(GAZA-RAFAH)-Wararka laga helaayo isgoyska Rafax ee Marinka Gaza dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in Wariye ka tirsan Tv-gaa caalamiga ah ee Aljazeera lana yiraahdo Ismaaciil Abuu Cumar uu maanta oo Talaada ah uu ku dhaawacmay duqeyn ey fulisay diyaarad aan Duuliyaha wedin eyna iska leeyihiin ciidamadda Isra’iil,weerarka ayaa waxaa lala beegsaday isgoyska Rafax ee dhaca Koonfurta Marinka Gaza. “Abuu Cumar waxaa soo gaaray dhaawac halis ah lugtiisa,waxaane loola cararay isbitaalka si loogu helo daryeel caafimaad”sidaas waxaa laga soo xigtay goobjoogayaal. Ciidamadda Isra’iil ayaa sheegay iney qorsheynayaan iney weerar dhinaca dhulka ah ku qaadaan magaaladda Rafax oo ey ku nool yihiin in ka badan 1.4-Milyan oo qofood,si ey uga adkaadaan waxa ey Tel Aviv ugu yeertay Guutooyinka soo haray ee Xamaas. Hogaamiyeyaasha caalamka iyo dadka falaqeyo siyaasadda arrimaha dibadda ayaa ka wada digay masiibo bani’adanimo haddii la qaado duulaan gaar ah iyadoo Rafax tahay meesha ugu dambaysa ey ku nool yihiin qaxooti badan oo reer Falastiin ah kuwaaso aan haysan meel kale oo ey aadaan. Falastiiniyiinta ayaa megengalyo u raadsaday Rafax iyadoo ciidamadda Isra’iil duqeymo ku garaacayso inta kale ee Gobolka tan iyo Oktoobar-7. Duqeymaha ey isra’iil ka fulisay Marinka Gaza marka laga soo bilaabo 7/10/23-kii ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaarayo ilaa 28,473-qofood una badan Caruur iyo Dumar,waxaane burburay dhammaan dhismayaashii Gaza ku yiil,waxaane gabaabsi ah cuntada iyo cabitaanka ey dadka u baahan yihiin,waxaane inta badan xirmay Goobihii caafimaadka ee Marinak Gaza.

ISHA/AA.

Previous
Previous

TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADDA DALKA TALYAANIGA OO SOO GAARAY MUQDISHO.

Next
Next

GOBOLKA AMXAARADDA OO LAGA JARAY INTERNET-KA.