TAHRIIBAYAASHII UGU BADNAAY ABID OO GAARAY XEEBAHA TALYAANIGA.
(LAMPEDUSA):Weli waxaa si xawli ah uga socdo dalka Liibiya ee jaarka la ah dalka Talyaaniga dhinaca badda tahriibinta dadka u dhashay qaaradda Afrika kuwaaso soo gaaridda dalka Liibiya ka soo mara dhibaato aad u xun qaarkoodna eey ku dhintaan gacanta kuwa wax tahriibiyo marararka qaarne ehelka tahriibayasha ka dalbadda madax furasho si eey u sii dayaan una sii wataan safarkooda taahriibka.
Maalintii shalay oo ahayd Isniin kuna beegneed 27/9/2021-ka ayaa waxaa magaaladda Sishiiliya dekedeeda Lampedusa waxaa soo gaaray tahriibayaashii abid ugu badnaay kana yimid dalka Libiya tiradda tahriibayaasha ayaa lagu sheegay ineey dhan tahay 686-qofood mana la sheegin jinsiyadaha tahriibayaasha iyo intee dumar,rag iyo caruur ah balse waa la wada dejiyey welina baaritaan caafimaad ayaa ku socdo,arrintaan ayaa waxa soo hadal qaaday wadamadda ku teedsan badda Miditereeniyaanka.XIGASHO WAKAALADAHA.