QOYSAS DACWAD KA GUDBIYEY DAWLADDA KANADA…
(OTTOWA):Tan iyo markii eey soo caan baxday kooxda IRAQ SYRIA ISLAMIC STAYE (ISIS) ee ka aasaasantay dalalka Ciraaq iyo Suuriya waxa eey soo jiiteen kana mid noqday dhallinyaro muslimiin ah kuna nolaay dalalka Yurub iyo Maraykanka oo leh gandho iyo wiilalba,waxaa dagaalka ku dhintay qaar badan oo iyaga ka mida kuwa kalane waxaa ka soo gaaray dhaawacyo,gabdhihii yaryaraane waxaa guursaday dagaalyahanadii Daacish ee isaga kala yimid dunida dacaladeeda waxa eeyna halkaas ku dhaleen caruur oo waxa eey noqdeen hooyooyin haysta caruur eeysan gacan ku hayn kii ka dhalay waxaane isku soo haray caruurtii iyo hooyadii dhashay,waxaane caqabad adag ka qabsatay ineey dib ugu laabtaan dalalkii eey ka yimaadeen ee Yurub iyo Maraykan waxaane dhacday qaar iyaga ka mida in lagala noqday Jinsiyadihii halka kuwa kalane eey nolol aad u xun kula nool yihiin xerooyin eey maamulaan Kurdiyiin gacan saar la leh Maraykanka.
Qoysas ka mida kuwa eey ka maqan yihiin caruurta degane dalka Kanada ayaa waxa eey dacwad ka gudbiyeen dawladda Kanada waxa eeyna ku eedeeyeen in xukuumadda Kanada iska indha tireyso xaaladda nololeed ee ka jirta goobaha lagu haayo gabdhaha iyo caruurta eey dhaleen iyo rag si sharci dara ah loogu xiray dalka Suuriya muddo dhan seddex sano ah,xeryaha lagu haayo dadkaan u badan kuwa soo jihaad tegay ayaa waxaa ugu weyn Al-Hool taasoo eey ku sugan yihiin tiradda ugu badan in kastoo eey kula sugan yihiin Ciraaqiyiin iyo Suuriyiin iyagana wata caruur eey u dhaleen dagaalyahanadii Daacish.
Eheladda dadka ku sugan xerooyinka Suuriya ayaa dlabanayo in dib loogu soo celiyo caruurtooda lana keeno Kanada,dalabka eey gudbiyeen waalidiinta ayey ku sheegeen inuu ku saabsan yahay 14-caruur ah,8-dumar ah iyo afar raga kuwasoo kurdiyiinta u xiran muddo ka badan seddex sano,dadkaan ayaa lagu kala hayaa xerooyinka Al-Hool,Rooj iyo xabsiyadda Hasakah,Qamishli iyo Derik.XIGASHO MEE.