ITOOBIYA OO DALKEEDA KA ERIDAY TODOBO SARKAAL KANA TIRSAN Q/MIDOOBAY.
(ADDIS ABABA):Dawladda Itoobiya ayaa waxa eey amartay saraakiil ka tirsan hayada qaramadda modoobay ineey dalkeed uga baxaan muddo seddex maalin ah(72)-Saac,Itoobiya ayaa dadkaan ku edeysay ineey faraha la galeen arrimaha gudaha ee dalkeeda sidaas darteedna eey isaga baxaan dalka Itoobiya muadadaas loo qabtay sidaas waxaa lagu qoray barta Twitter-ka ee wasaaradda ariimaha dibada ee dalka Itoobiya.
Martin Griffiths ahne madaxa baniaadanimada ee qaramadda midoobay ayaa sheegay mar uu waraysi siinaayay wakaaladda wararka ee Associated Press(AP) in waxa ka jiro dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigray eey dawladda dhexe ka mamnuucday in la gaarsiiyo deeqaha gargaarka tahay “Wasakh ku taalo Damiirkeyna”. Griffiths oo booqaday dalka Itoobiya ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay oo xitaa la weydiiyey smaacadaha dhagaha ugu jiro waxa eey yihiin taasoo uu ku tilmaamay waxa ka baxsan bani’aadanimadda,hadaba todobadda sarkaal ee laga eryey dalka Itoobiya ayaa kala ah:
(1)-Mr.Adele Khodr Waa wakiilka UNICEF ee dalka Itoobiya.
(2)-Mr.Sonny Onyegbula Waa hogaamiyaha kooxda dabagalka iyo la socodka hawlaha bani’aadanimadda isla markaasne dira warbixinadda waxa uuna ka tirsan yahay xafiiska qaramadda midoobay ee bani’aadanimadda.
(3)-Kwesi Sansculotte Waa la taliyaha dhinacyadda nabada iyo horumarinta ee OCHA.
(4)-Mr.Saciid Maxamed Xirsi Waa ku xigeenka madaxa xafiiska isku duwaha arrimaha bani’aadanimadda ee dalka Itoobiya.
(5)-Mr.Gran Leaity Waa ku xigeenka isku duwaha arrimaha bani’aadanimadda kana tirsan xafiiska isku duwaha arrimaha bani’aadanimadda ee dalka Itoobiya.
(6)-Ms.Ghada Eltahir Mudawi Waa ku simaha ku xigeenka isku duwaha arrimaha bani’aadanimadda ee dalka Itoobiya.
(7)-Mrs.Marcy Vigoda Waa madaxa xafiiska isku duwaha arrimaha bani’aadnimada ee dalka Itoobiya. XIGASHO VOA.