DALKA FARANSIISKA: NIN 35-SANO DAD DILAAY OO LA HELAY ISAGOO MEYD AH.
(PARIS-FRANCE): Adduunkaan aan joogno waxaa ka dhaca waxyaabo aan caqliga ogolaan karin eeyna adag tahay sida loo rumaysto marka lagu sheego,hadaba dalka Faransiiska ayaa waxaa ka dhacday sheeko yaab leh ee uu sameeyey nin ka mid ahaan jiray ciidamadda booliska dalka Faransiiska lana yiraahdo Francois Verove oo 59-jir ah,ninkaan ayaa waxa uu isku dhex dilay guri uu ka ijaartay koonfurta dalka Faransiiska waxaane gurigiisa laga helay warqado looga yeeraayo maxakamadda.Ninkaan ayaa dalka Faransiiska waxa uu ka geystay dilal is xigxiga socdayne muddo dhan 35-sano ah mana la garan cidda ka dambaysa dilalkaas waxaane booliska Faransiiska hadda u cadaatay in ninkaan yahay ninki fulin jiray dilalkaas,ninkaan dilaaga ah ayaa Faransiiska looga yaqaanaa magaca ah”NABARKII BISKOODAY” “LE GRELE AMA POCKMARKED”.
Inta u dhexeeysay sannadadii 1980-kii ilaa 1990-kii dembiyadda uu ninkaan ku eedeysnaay ayaa lagu sheegay ineey ahaayeen:”Kufsi da’a yarta,dil iyo isku day dil,dhac hubayasan iyo afduubka da’ayarta.XIGASHO WAKALAADAHA.