DHAALIBAAN OO MAMNUUCDAY IN LA ISKA XIIRO GARKA.
(HELMAND):Gobolka Helmand ee dalka Afgaanistaan ayaa mamnuucay in tima jarayaasha raga ka xiiraan Garka isla markaasne shidaan muusiko gudaha goobaha ganacsigooda qofkii sameeyana yahay qof u gefay shareecadda Islaamka.Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka gobolka Helmand ee hoostaga kooxda Dhaalibaan,qaanuunkaan cusub ayaa ah kii ugu dambeeyey eey soo saarto kooxda Dhaalibaan tan iyo markii eey la wareegtay taladda dalka Afgaanistaan 15/8/2021-ka.XIGASHO DAILY SABAH.