ITOOBIYA OO XIREEYSO SAFAARADAHEEDA MASAR IYO IRELAND.
(ADDIS ABABA):Dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu xiri doono safaaradihiisa ku kala yaalo dalalka Masar iyo Ireland sababta loo xiraayo labadaan safaaradood ayaa lagu sheegay ineey tahay mid la xiriirto arrimo dhaqaale balse eeysan ahayn arrimo la xiriiro biya xireenka Itoobiya dhisaneeyso ee dhaliyey muranka.
Safiirka Itoobiya u fadhiya magaaladda Qaahira ee dalka Masar Markos Tekle ayaa sheegay in safaarada Itoobiya ee magaaladda Qaahira la xiraayo si ku meel gaar ah marka laga bilaabo bisha Oktoobar-2021-ka waxa eeyna safaaradda xirnaan doontaa muddo u dhexeeyso seddex bilood ilaa lix bilood si loo yareeyo kharashaadka.XIGASHO MEMO