TABABARAH PARIS SAINT GERMAIN OO XABSIGA LOO…
(SAWIRKA)-TABABARE GALTIER.
(PARIS)-Dalka Faransiiska waxa uu ka mid yahay dalalka Yurub ey ka dhisan yihiin naadiyadda kubadda cagta ee adduunka caanka ka ah,dalka Faransiiska ayaa horay waxa uu ugu guulaystay koobka kubadda cagta adduunka,tartankii ugu dambeeyey ee koobka kubadda cagta adduunka Faransiisku waxa uu ka galay kaalinta labaad,Faransiiska ayaana haystay horyaalka kubadda cagta adduunka ka hor tartankii ka dhacay dalka Qadar. Tababaraha naadiga Paris Saint Germain ee dalka Faransiiska Christophe Galtier ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu soo edeyey inuu ku kacay fal cunsurinima ah uu ku sameeyey cayaartoyda Naadiga uu tababarah u yahay,cayaartoyda Madawga ah iyo kuwa Muslimiinta ah ayuu tababare Galtier damacsanay inuu ka tirtiro naadigiisa Paris SG,arrintaan ayaa waxaa daaha ka rogay tababare kale oo isgaa la mida.
ISHA WARKA MEE.