FARANSIISKA OO GALAY XAALAD AMNI OO ADAG.
(SAWIRKA)-BANAANBAXE REER FARANSA AH.
(PARIS)-Dalka Faransiiska waxaa weli si ba’an uga socdo banaanbaxyo wata rabshado kuwaaso wada gaaray dalka oo dhan,Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gerald Dermanin ayaa goor sii horeysay sheegay in 45-kun oo ciidama ah loo qeybiyey dalka oo dhan si ey u sugaan amniga dalka oo faraha ka sii baxaayo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay. Sida ey sheegtay Wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska waxaa la soo xiray dad gaaraayo ilaa 1300-qofood oo lala xiriirinaayo iney qeyb ka yihiin banaanbaxyada rabshadaha wata ee sii kordhaayo. Dhibaatada ka taagan dalka Faransiiska ayaa waxaa sabab u ahaay wiil dhallinyara ah oo ey dileen ciidamadda Police-ka.
ISHA WARKA ARABIC.