ATMIS OO FARUJISAY SH/DHEXE.
(SAWIRKA)-G/SARE SANEY CABDULLE OO LA WAREEGAY SALDHIG ATMIS LEEDAHAY.
(JAWHAR)-Sida aan la wada socon dalka Soomaaliya waxaa joogo ciidamo ka socdo Midawga Afrika kuwaaso Soomaaliya ku soo galay nabad ilaalin,ciidamadaan ayaa Soomaaliya ku sugnaay muddo ka badan 15-sano mana eysan xureyn dhulka ey haysatay kooxda Alshabaab oo ey darteed u soo galeen dhulka Soomaaliya. Bishii May-2022-ka ayaa waxaa Madaxweyne loo doortay Md.Xasan Sheekh Maxamuud wixi intaas ka dambeeyey Md.Xasan Sheekh ayaa waxa uu bilaabay inuu dagaal toos ah la galo kooxda Alshabaab,dagaal Xasan ku qaaday kooxda Alshabaab ayaa wejiyo kala duwan leh sida mid dhaqaale,ciidan iyo mid warbaahineedba waxaane kooxda Alshabaab laga saaray degaano fara badan ey soo maamulaysay muddo ka badan toban sano,hadaba ciidamadda Atmis ayaa la soo gaaray waqtigii ey isga bixi lahaayeen dhulka Soomaaliya waxa eyna hadda bilaabeen iney faarujiyaan saldhigyo ey ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Dhexe iyo duleedka Gobolka Banaadir. G/Sare Saneey Cabdulle ayaa saldhig ku yiilay degaan ka tirsan degmada Cadale waxa uu dhawaan kala wareegay Atmis halka taliyaha ciidamdda Xasilinta Caasimadda uu kala wareegay Atmis saldhig ku yiilay Arbacaw oo ah duleedka Muqdisho.
ISHA WARKA VOA-SOMALI.