Liibaan C/laahi oo la afduubtay.

123.jpg

Sida laga soo xigtay wargayska THE STANDARD ee dalka Kenya,Liibaan C/Laahi Cumar oo ka mid ahaay seddex qofood oo loo haystay ineey qeyb ka ahaayeen weerarkii alshabaab ku qaadeen Westgate Mall ee magaaladda Nairobi dalka Kenya. Weerarka ayaa dhacay muddo haatan laga joogo todoba sano kuna beegneed 2013-kii,weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo 67-qofood waxaane ku dhaawacmay dad eey tiradoodu dhan tahay 200-qofood. Liiban oo lagu waayey dembigii uu u xirnaay muddo dhan todoba sano ayey maxkamadda qaadaysay dacwadiisa xabsiga ka sii daysay maalintii khamiista bishaan ahayd-7-da waxaane dhacday in Liibaan eey la socdaan ehelkiisa in rag aan la aqoon oo hubaysan eey Liibaan ka afduubtaan magaaladda Nairobi mana la yaqaan meesha eey la aadeen ilaa iyo hadda,cutubka la dagaalanka argagixisadda ee booliska(ATPU) oo looga shakisanaay ineey iyaga ka dambeeyaan afduubka loo geystay Liibaan ayaa dafiray tuhunkii laga qabay.

HALKAAN KA AKHRISO WARKA OO DHAN.

Previous
Previous

600-muhaajiriin afrikaan ah ayaa soo gaartay dalka Yaman bishii Sebtembar-2020-ka.

Next
Next

($ 3.2)-milyan waa qiimaha xildhibaanka reer Masar bixinaayo.