600-muhaajiriin afrikaan ah ayaa soo gaartay dalka Yaman bishii Sebtembar-2020-ka.

YEMEN.jpg

Hayadda socdaalka adduunka ee marka la soo gaabsho loo yaqaano(IOM) war eey soo saaratay ayey ku sheegtay in muhaajiriinta soo gaartay dalka yaman kana yimid qaaradda afrika in tiradooda gaartay 600-muhaajira bishii sebtembar-2020-ka. Tiradaas lixda boqol muhaajir ah kana timid afrika ayey hayaddu in boqolkii sideetan iyo seddex(83%) yihiin rag,boqolkii seddex iyo toban(13%) yihiin dumar,boqolkii seddex(3%) yihiin wiilal iyo boqolkii hal(1%) yihiin gabdho,hayadda ayaa intaas raacisay in muhaajiriinta ka yimid afrika soona gaaray dalka Yaman boqolkii sagaashan iyo sedex(93%) yihiin dad u dhashay dalka Itoobiya halka boqolkii todoba(7%) eey yihiin mawaadiniin u dhalatay dalka soomaaliya.

Boqolkii afartan(40%) muhaajiriinta afrika soona gaaray Yaman ayaa u gudba dalka boqortooyadda sacuudiga,boqolkii lixdan(60%) muhaajiriinta ahne waxa ku negaadaan dalka Yaman. XIGASHO MEMO.

HALKAAN RIIX.

Previous
Previous

FARANSA OO XIRAYSA MASAAJID IYO DUGSIYO.

Next
Next

Liibaan C/laahi oo la afduubtay.