(SWEDEN): SALWAN MOMIKA OO LA TOOGTAY.
(SAWIRKA)-SALWAN MOMIKA.
(STOCKHOLM)-Nin u dhashay dalka Ciraaq kaaso dhawr jiree gubay Kitaabka Quraanka Kariimka gudaha dalka Sweden ayaa toogasho lagu dilay meel u dhaw caasimadda dalka Sweden ee Stockholm sida ey sheegtay dawladda Sweden. Salwan Momika oo 38-jir ah ayaa sannadkii 2023-kii dhawr meelood waxa uu gubay Kitaabka Quraanka isagoo meel uga dhacay Muslimiinta Caalamka oo dhan,waxa uuna Momika Video ka duubi jiray marka uu Gubaayo Kitaabka Quraan si looga daawado daafaha caalamka oo dhan,arrintaan ayaa abuurtay carro iyo dhaleeceen ka timid dawladdo badan oo Islaam ah,waxa eyna horseeday xasilloni darri ka dhacday meelo badan oo adduunka ah. Booliska dalka Sweden ayaa sheegay iney xireen ilaa shan qofood ka dib markii la toogtay Salwan Momika,dadka la xiray ayaa dhammaantood wada ah Rag ey da’adoodu u dhexeyso 20-jir ilaa 60-jir,dhammaantood waxa ey wada degan yihiin SODERTALJE,qaarkoodne waxa ey yihiin Qoyska Momika. Dacwad ooge Rasmus Cuman ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP iney weli ku jiraan marxaddii koowaad eyna ku guda jiraan xog ururin. Sida laga soo xigtay Warbaahinta Sweden,Momika ayaa si toos ah ugu jiray barta TikTok waqtiga la tooganaayey,Salwan oo Kirishtaan ayaa aflagaado iyo gubis isugu deray Kitaabka Quraanka Kariimka ah.
ISHA-WAKAALADO.