130-JIHAADISTE OO SOO AADAY SOOMALIYA IYO SAAXIL.

(SAWIRKA)-KOOXDA ISIS.

(RABAT)-Booliska la dagaalamo Argagixisada ee dalka Marooko ayaa Khamiistii shalay ahayd sheegay iney fashiliyeen qorsho la doonaayey in lagu weeraro Goobaha Amaanka, iyadoo afar qofood oo looga shaki qabo iney xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee gobolka Saaxil Xabsiga loo taxaabay. Habboub Cherkoui,oo ah Madaxa Xarunta dhexe ee Baarista Garsoorka, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay SALE ku sheegay in hawlgalku uu ka ka hortagay ‘Qorshe Argagixiso oo Khatar ah”. Afarta tuhmane oo dhammaantood u dhashay dalka Marooko oo ey ka mid yihiin seddex walaala ah ayaa la dhigay xabsiga Had Soualem oo u dhaw magaaladda Casablanca sida lagu sheegay bayaan ey boolisku horay u soo saareen. Cherkoui ayaa sheegay in kooxda ey horay u duubtay bayaan ey ku sheegtay Masuuliyadda Weerarada la qorsheeyey oo loo adeegsaday Walxaha Qarxa. Baaritaanada la sameeyey ayaa daaha ka qaaaday in bartilmaameedku ahaa “Xarumaha Amaanka ee Muhiimka ah,Dukaamadda waa weyn iyo Goobaha Dadweynaha”,goobahaas ayaa inta badan waxaa ku sugan dad reer Marooko ah iyo kuwa Ajaanib ah. Masuuliyiinta dalka Marooko ayaa rumeysan in tuhmanayaasha ey xiriir toos ah la leeyihiin Hogaamiyaha kooxda ISIS ee ku sugan Gobolka Saaxil kaaso shaqaaleysiiyey isla markaasne ku beeray aaladaha istgaarsiinta dijitaalka ah,sida lagu sheegay baaritaano hordhaca ah. Cherkaoui ayaa sheegay in tuhmanayaasha ey da’adoodu u shexeyso 26-jir ilaa 35-jir eyna ka shaqeeyaan shaqooyinka dhexdhexaadka ah. Cherkaoui ayaa sheegay in kooxaha xagjirka ah ee Qaaradda Afrika ey “Khatar dhab ah ku hayaan Boqortooyadda”. Waxa uu sheegay in 130-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa u safreen furimaha dagaalka dalka Soomaaliya iyo Saaxil tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2022-kii. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay “raadinayaa iney balaariyaan dhaqdhaqaaqyadda kooxahooda gudaha Boqortooyada Marooko”,ayuu raaciyey hadalkiisa. Dalka Marooko si weyn ayuu uga fogaaday rabsadaha Xagjirka sannadadii ugu dambeeyey,ciidamadda amaanka ee dalka Marooko ayaa si joogta ah u soo sheega xarigooda iyo carqaladeynta qorshaha weeraradooda.

ISHA-AA.

Previous
Previous

XAMAAS OO SII DEYSAY MAXAABIIS REER ISRA’IIL AH.

Next
Next

(SWEDEN): SALWAN MOMIKA OO LA TOOGTAY.