MW-Dr.XASAN OO WAQAARIHII AQOONSIGA KA..

(SAWIRKA)-MADAXTOOYADDA VILLA SOMALIA.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu maanta oo Khamiis ah Waraaqihii Aqoonsiga ee danjirenimo uu ka Gudoomay Danjireyaal cusub oo loo soo magacaabay iney wikiilo uga noqdaan dalka Soomaaliya,Danjireyaasha maanta uu Waraaqihii Aqoonsiga uu ka Gudoomay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa kala ah: (1)-Danjiraha Dalka,Sudaan Md.C/raxmaan Khaliil. (2)-Danjiraha Falastiin Md.Ruweyd Caadil Maxamed. (3)-Danjiraha dalka Thailand,Md.Morakot Janemathukron. (4)-Danjiraha Tanzaniya,Md.Bernard Yohana Kibesse. (5)-Danjiraha dalka Portaqiiska,Md.Ana Filomena da Costa Roch. (6)-Danjiraha dalka Ruwanda,Md.MartinK.Ngoga. (7)-Danjiraha dalka Aljeriya Md.Mahi Boumedian. (8)-Danjiraha dalka Jabaan,Md.Matsuura Hiroshi. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh ayaa xusay muhimadda ey leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ey Soomaaliya la leedahay dalalka ey danjireyaashaan ka socdaan,si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadeed,dhaqaalaha,Horumarka iyo Amniga. Danjireyaasha ayaa iyagana dhinacooda waxa ey MW-Dr.Xasan iyo Xukuumadiisa uga mahad celiyeen sidii diiraneed ee loogu soo dhaweeyey dalka Soomaaliya,iyagoo soo bandhigay sida ey uga go’an tahay iney dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka dalalkooda la leeyihiin Soomaaliya.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

(SWEDEN): SALWAN MOMIKA OO LA TOOGTAY.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KA QEYBGALAY SHIR…