MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KA QEYBGALAY SHIR…
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu ka qeybgalay Shir Madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bushadda Bariga Afrika ee EAC-da,shirkaas ayaa looga hadlay arrimo la xiriiro dagaalka dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koondo(DRC). Shirkaan ey madaxdu ku yeesheen habka fogaan araga ah ayuu Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh la wadaagay Madaxda kale ee dalladda Bulshada Bariga Afrika EAC-da,sida ey DFS uga walaacsan tahay xaaladda dalka DRC isaga oo dhinacyada is haya ugu baaqay iney si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaada sokeey eyna dib ugu laabtaan miiska wada hadaladda. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh,ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeey iyo cawaaqibta ka dhalata,waxa uuna u soo jeediyey dhinacyada dagaalamaya iney ilaaaliyaan goobaha dadka rayidka ah joogaan iyo xarumaha diblomaasiyiinta si waafaqsan xeererka caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha. Ugu dambeyntii, Madaxda dalalka xubnaha ka ah dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da ee shirkaan ka qeybgalay ayaa isla qaatay in la qabto shir deg deg ah oo ey Madaxda EAC-da iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ey kaga arrinsadaan colaada sokeeye ee dalka Koongo.
ISHA-VILLA SOMALIA.