BOOLISKA SOOMAALIYA OO LA AQEYBGELAYO SHIRKA KIGALI.

(SAWIRKA)-TALIYE KU XIGEENKA BOOLISK SOOMAALIYEED OO KU SUGAN KIGALI RWANDA.

(KIGALI-RW)-Taliye ku Xigeenka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto.Cismaan C/lahi Maxamed(Kaniif) iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray caasimadda dalka Ruwaanda ee Kigali,waxa eyna halkaasi kaga qeybgeli doonaan Shirka 26-aad ee Madaxda Booliska ee Bariga Afrika(EAPCCO),kaaso looga hadli doono arrimo la xiriiro Amniga Gobolka Geeska Afrika. Shirkaan sannadlaha ah waxaa diiradda lagu saari doonaa lix arrimood oo waa weyn kalana ah: (1)-Dembiyadda Maaliyadda(Financial Crimes). (2)-Argagixisadda(Terrorism). (3)-Ka Ganacsiga Dadka(Human Trafficking). (4)-Ka Ganacsiga Darogadda(Drug Trafficking). (5)-Dembiyadda Internet-ka(Cybercrimes). (6)-Dembiyadda Hantida Caqliga(Intellectual Property Crimes). Kulanka ayaa waxaa ka mid noqon doono kulamo tababaro ey yeelan doonaan Gudi-Hoosaadyadda Farsamada. Waa shirkii 11-aad ee la dagaalka Argagixisada, Kulankii 57-aad ee Sharciga, Kulankii 29-aad ee Jinsiga, Kulankii 44-aad ee tababarada,iyo Kulankii 6-aad ee dembiyadda Internet-ka. EAPCCO, oo ah magaca ey mideysan yihiin Booliska Wadamada Bariga Afrika ee kala ah”Rwanda, Ugandha, Kenya, Tanzaniya, Burundi, Comoros, Itoobiya, Eritereeya, Jbuuti, Sudaan, K/Sudaan, Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo,Seyshelis, iyo Soomaaliya”. Shirkan ayaa soo bilawday 26-kii bishaan Janaayo waxa uuna dhammaan doonaa 31-ka Bishaan Janaayo-2025-ka.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KA QEYBGALAY SHIR…

Next
Next

CIIDAMADDA AMAANKA MUQDISHO OO DILAY LABA…