CIIDAMADDA AMAANKA MUQDISHO OO DILAY LABA…
(SAWIRKA)-ALSHABAABKII LAGU DILAY DAYNIILE.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in barqanimadii maanta oo Arbaca ah degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir waax ka tirsan lana yiraahdo Ciise Cabdi ey isku fara saraareen Ciidamadda Amaanka ee Caasimadda Muqdisho iyo koox ALshabaab u qaabilsan dilalka Qorsheysan ee loo yaqaano Amniyaatka. Weerarka ayaa waxaa soo qaaday seddex nin oo sida la sheegay ahaa kooxda Alshabaab,seddexdooda waxa ey ku wada hubeysnaayeen Bastoolado,mid iyaga mid ahne waxa uu ahaa filim qaade loogu talagalay inuu duubo weerarka ey qaadeen ragii uu la socday. Labada nin ee ALshabaabka ah ayaa rasaas ku furtay askeri ka tirsan ciidanka Dawladda Hoose ee Xamar gaar ahaan kuwa qabilsan ururinta Canshuurta Guryaha,askerigii isagana waa uu u jawaabay waxa uuna ka dhaawacay hal waxa uuna ka dilay mid kale,midkii seddexaad ee duubaayey hawlgalkane waa la soo qabtay isaga iyo kaamiradiisa. Hayadda Baarista Dembiyadda Soomaaliyeed CID ayaa la wareegtay labadii nin ee Alshabaab ahaa si ey wax uga weydiiso halka ey magaaladda ka deganaayeen iyo sida hawshaan ey u soo qorsheeyeen iyo cidda ku garab siisay. Degmada Dayniile iyo dhammaan degmooyinka ku yaalo daafaha caasimadda Muqdisho ayaa ah kuwa ey ka dhacaan dilalka Qorsheysan ey fuliso kooxdaALshabaab.
ISHA-SB-MEDIA.