SOOMAALIYA IYO TANZANIYA OO KA WADA HADLAY…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNAYAASHA SOOMAALIYA IYO TANZANIYA.

(DAR EL SALAM-TZ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan doceedyo miro dhal ah la yeeshay Madax kala duwa oo ka qeybgashay Shirweynaha Tamarta Afrika ee ka dhacay caasimada dalka Tanzaniya ee Daara-salaam. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Tanzaniya Mrawa.Saamiya Suluhu Xasan waxa eyna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzaniya iyo iskaashiga Istaraatiijiga ah ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika(EAC). Soomaaliya iyo Tanzaniya ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinaayo wada shaqeynta dhinacyo badan,taaso muujineysa rabitaanka labada dal ee kobcinta xasillonidda iyo horumarka Gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale,Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay dhigisa dalka Gaana Md.John Dramani Mahama,waxa eyn ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo dalka Gaana,maalgashiga iyo xiriirka Ganacsi ee labada dal. Madaxweyne Dr.Xasan ayaa kulamo gaar waxa uu la yeeshya Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Md.Akinwumi Adesina,waxa eyna dul istaageen masuuliyiinta wada shaqeynta Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika,kobcinta fursadaha maalgashiga ee Soomaaliya,gaar ahaan Xoolaha,Dhaqaalaha Badda,Tamarta iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,Md.Adesina,ayaa casuumad rasmi ah waxa uu ka helay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud si uu booqasho ugu yimaado dalka Soomaaliya. Shirweynaha Dara-Salaam,ayaa sodon Hogaamiye oo Afrikaan ah waxa ey ku ballan qaadeen iney dib habeyn lagu ballaarinaayo korontada la isku halleyn karo oo la awoodi karo,taaso ah tallaabo muhiim ah oo lagu xirayo farqiga Tamarta ee Qaaradda Afrika. Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqay in dawladiisa ey $1-Bilyan oo doolar ey ku dari doonto hawlgalka 300,taaso ka dhigaysa wadarta ballan qaadyadda Mashruuca ilaa $70-Bilyan oo doolar ee Hayadaha Horumarinta. Ballan qaadka Faransiiska waxa uu daba socdaa ballan qaadyadda $30-Bilyan oo doolar ee Bangiga Adduunka, $18-Bilyan oo doolar Baniga Horumarinta Afrika iyo $10-Bilyan oo laga helaayo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF oo la siiyey hawlgalka-300. Bangiga Maalgelinta Kaabayaasha dhaqaalaha ee Aasiya(AIIB) ayaa sheegay inuu ku taageeri doono hindisahan dhaqaale u dhexeeyo $1-Bilyan ilaa $1.5-Bilyan oo doolar,kooxda Bangiga Horumarinta Islaamka(ISDB) ayaa bixin doono $2.65-Milyan oo doolar, halka Ururka Wadamada Shidaalka Dhoofiyo ee OPEC ee Horumarinta Caalamiga ah ey bixin doonaan $2-Bilyan oo doolar.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

CIIDAMADDA AMAANKA MUQDISHO OO DILAY LABA…

Next
Next

MAXKAMADDA ICC-DA OO KU DHEGAN TALYAANIGA,SABAB?