MAXKAMADDA ICC-DA OO KU DHEGAN TALYAANIGA,SABAB?

(SAWIRKA)RW-GIOGIA MELONI.

(ROMA-IT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Talyaaniga ee Rooma ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha dalkaasi Giorgia Meloni lagu bilaabay baaritaan la xiriira sii deynta nin la sheegay iney raadineysay Maxakamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC. Reysal Wasaare Giogia Meloni ayaa Talaadada maanta ah sheegtay inuu socdo baaritaan dhinaca garsoorka ah kaaso ku saabsan go’aankii ey dawladda Talyaaniga ey ku sii deysay sarkaal ka tirsanaay Booliska dalka Liibiya kaaso ey raadineysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC. Usama AL-Masri Najiim ayaa la sii daayey todobaadkii hore,waxaane dalka Liibiya loogu qaaday diyaarad ey leedahay dawladda Talyaaniga maalmo uun ka dib markii lagu xiray magaaladda ku taalo Waqooyiga dalka Talyaaniga Turino, amarka soo xiritaankiisa ayaa waxaa soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda ICC, Maxkamadda ayaa sheegtay in Usaama looga shakisan yahay inuu galay dembiyo ka dhan ah Bani’adanimadda. Maxkamadda ICC-da ayaa ka dalbatay dalka Talyaaniga inuu sharaxaad ka bixiyo sii deynta Usaama iyagoo aan go’aanka lagala tashan. Fariin ey soo dhigtay baraha bulshada ayey Reysal Wasaare Melooni ku sheegtay in baaritaan lagu haayo iyadoo looga shakisan yahay iney gacan ka geysatay fal dembiyeed iyo ku takrifal hanti dadweyne,taasi macneheeda ma aha iney Meloni ku qasban tahay iney is casisho,marka la baaro Talyaaniga macneheeda ma aha in la xukumay,sidoo kale,macneheedu ma aha in eedeymo rasmi ah lagu soo oogi doono. Georgia Meloni ayaa tiri”Leyguma damqi doono,nafteydana lama cabsi geliyo,taasina waa malaha sababta ka dambeysa waxa aan ku tilmaami karo Neceybka ey ii qabaan kuwa aan dooney in dalka Talyaaniga isbedelo oo uu noqdo mid wanaagsan”waa hadalka ey ku tiri muuqaalka ey soo dhigtay Barteeda Facebook-ga. Giorgia Meloni ayaa intaas raacisay, baaritaanka waxaa ku jira ayey Meloni tiri,Wasiirka Cadaaladda Carlo Nordio, Wasiirka Arrimaha Gudaha Matteo Piantedosi iyo Alfredo Mantovano,ahne Wasiiru Dawlaha Xafiiska Reysal Wasaaraha. RW-Giorgia Meloni waxaa kaloo ey sheegtay in kiiskaan uu hor kacaayo isla dacwad oogihii baarista ku sameeyey Reysal Wasaare ku Xigeenka Matteo Salvini, kaaso lagu eedeyey inuu 100-qofood oo Tahriibayaal ah ku afduubtay doon waxa eyna badda ku jireen Tahriibayaashu ku dhawaad seddex todobaad sannadkii 2019-kii,laakinse Salvini ayaa kiiskaan lagu waayey bishii hore.

ISHA-AA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO TANZANIYA OO KA WADA HADLAY…

Next
Next

MW-Dr. XASAN SHEEKH MAXAMUD OO HADAL KA JEEDIYEY…