MW-Dr. XASAN SHEEKH MAXAMUD OO HADAL KA JEEDIYEY…
(SAWIRKA)-SHIRKA TAMARTA QAARADDA AFRIKA.
(DARUSALAAM-TZ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Tanzaniya ee Daara Salaam ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu hadal ka jeediyey Shirweynaha Tamarta ee Qaaradda Afrika,waxa uuna Mdaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud soo bandhigay Qorshaha DFS ee kordhinta tayadda iyo Awooda Tamarta,taaso aas aas u ah horumarka iyo isbedelka Soomaaliya ee casriga ah. Madaxweyne Dr.Xasan ayaa tilmaamay in dalka Soomaaliya uu leeyahay kheyraad fara badan oo la xiriira cusbooneysiinta Tamarta,sida Qoraxda iyo Dabaylaha kuwaaso mustaqbalka noqon kara ilo muhiim ah oo laga dhalliyo Tamarta saaxiibna la ah degaanka. “Horumarka ey Soomaaliya hiigsaneyso waxa uu u baahan yahay Tamar jaban oo la heli karo. Maanta dadkeyga 50% ma heystaan Koronto ku filan,sidaas awgeed waxaan qorsheyneynaa inaan xoojino Maalgashiga Tamarta si aan awood ugu yeelano hirgelinta Warshadaha casriyeysan kaabayasha nolosha iyo xoojinta adeegyadda bulshada”ayuu yiri MW-Dr.Xasan Sheekh Maxamud. Madaxweyne Dr.Xasan,ey shirkaan ku wehliyaan Wasiirka Tamarta ee XFS Md.C/laahi Bidhaan,Wasiirka Maaliyadda Md.Biixi ayaa u soo bandhigay daneeyeyaasha caalamiga ah iney ka qeyb qaataan maalgashiga mashaariicda Tamarta ee Soomaaliya oo ah suuq weyn oo furan. Sidoo kale,Shir Madaxeedka Tamarta Afrika oo ey ka qeybgaleen Madaxda Qaaradda Afrika ayaa maanta laga soo saaray Bayaan loogu magac daray”BAYAANKA DAARASALAAM”,kaaso ah ballan qaad lagu xaqiijinaayo in 300-Milyan oo Afrikaan ah iney helaan Koronto ku filan marka la gaaro sannadka 2030-ka.
ISHA-VILLA SOMALIA.