RW-KU-XIGEENKA 1-AAD Md.SAALAX OO DAAH FURAY…
(SAWIRKA)-SHIR KA FURMAY MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanyo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare KU-Xigeenka 1-aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Saalax Axmed Jaamac uu maanta daah furay Qorshaha Istaraatiijiyadda Wasaaradda Amniga Gudaha shanta sano ee soo socoto kuna aadan Amniga iyo Xasilloonida dalka. Qorshahaan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awooda Hayadaha Amniga,si loo xaqiijiyo Nabdda loona abuuro jawi xasilloon oo shacabka u ogolaanaya iney si nabad ah ugu noolaadaan ugana qeyb qaataan horumarka dalkooda. Reysal Wasaare ku xigeenka 1-aad ee XFS Md.Saalax ayaa sidoo kale ku booriyey Wasaaradda Amniga Gudaha iyo hayadaha kale ee ku shaqqada leh Amniga iney si wadajir ah uga shqeeyaan hirgelinta qorshahan,isaga oo carabka ku adkeeyey muhimadda ey leedahay iskaashiga ey DFS la leedahay Dawlad Goboleedyadda,Hayadaha Caalamiga ah iyo Bulshada Rayidka ah si loo xaqiijiyo guusha Qorshahaan.
ISHA-SNTV.