SOOMAALIYA IYO FINLAND OO KA HADLAY…
(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO RANTANEN.
(HELSINKI)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland Meri Rantanen ayaa booqasho ku tagtay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho 21-Janaayo-2025-ka,Wasiiradda ayaa halkaasi u tagtay si ey DFS ugala hadasho sidii la isaga kaashan lahaa Musaafurinta Soomaalida magangalyo doonka ah ee laga soo tarxiilayo dalka Finland talabadaas oo dadka wax dhalliila ey ku eedeeyeen iney la xiriirto Ajandaha Siyaasadeed ee Xisbiga Finish ka hor Doorashooyinka Dawaladaha Hoose iyo Goboladda ee dalka Finland oo dhici doonto Bisha Abriil-2025-ka. Booqashadaan oo ey ka mid ahayd kulamo ey la qaadatay Reysal Wasaaraha Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Amniga Gudaha C/laahi Sheekh Ismaaciil(Fartaag) kulanada ayaa diiradda lagu saaray sii xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyadda Amniga iyo dib u celinta dadka megengalyo doonka ah,sida laga soo xigtay Rantanen,Finland ahmiyadda ugu sareyso waa in la sameeyo habab wax ku ool ah oo dib loogu celinaayo Mawaadiniinta Soomaaliyeed ee loo diiday deganaanshaha dalka Finland. “Finland waxa ey bogaadineysaa iskaashiga soo jireenka ah ee kala dhexeeyo dalka Soomaaliya. Dejinta qabanqaabadda soo laabashada waxa ey lama huraan u tahay iskaashiga,”ayey tiri Rantanen. Waxa ey sidoo kale carabka ku adkeysay doorka muhimka ah ee Soomaaliya ey ku ledahay dadaalladda ka dhanka ah Argagixisada,iyadoo aqoonsan shaqada hayaddaha Amniga Soomaaliya ee xasillinta Gobolka. Dalka Finland ayaa si ku meel gaar ah u joojiyey kaalmadii horumarineed ee labada dhinac ey siin jirtay Soomaaliya barnaamijkaas oo horay muhiim ugu ahaa taageeridda dib u soo kabashada dalka Soomaaliya. Dawladda Finland waxay ku xirtay go’aanadda maalgelinta mustaqbalka iyo horumarka laga gaaraayo heshiisyada musaafurinta. Kuwa dhaliila Xukuumadda Finland,waxa ey ku doodayaan in shuruudan ey Siyaasadeyneysaa Gargaarka Bani’adanimo,iyadoo ka faa’iideysaneysa in la xaqiijiyo ballan qaadyadda musaafurinta. Booqashada Wasiiradda ayaa ku lug lahayd wada hadallo lala yeesho Wakiilo Caalami ah oo uu ku jiro Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe James Swan iyo saraakiisha Midawga Yurub ee Soomaaliya,taaso muujineysa dadaalka Finland ey ku dooneyso iney waafajiso siyaasadeeda Musaafurinta iyo qaab dhismeedka ballaaran ee Yurub. Xisbiga Finishka oo ey xubin ka tahay Rantanen,ayaa muddo dheer u ololeynaayey Siyaasadaha adag ee Socdaalka. Wasiirka Maaliyadda Finland Riikka Purra oo ah Gudoomiyaha Xisbiga ayaa ku amaanay safarka Rantanen inuu yahay tallaabo lagu xallinaayo arrimaha muhaajiriinta aan sharciga lahayn. Waxay iftiimisay fadhiidnimada musaafurinta,waxayna sheegtay in dib u yagleelidda gargaarka horumarineed ey ku xiran tahay iskaashiga Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee,dadka dhaleeceeyo Xukuumadda Finland eyna ka mid yihiin kuwa u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedeyey in Xisbiga Finnishka inuu bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideysanaayo arrimo doorasho. Falaqeyeyaasha waxa ey xuseen in tirada mawaadiniinta Soomaalida ee aan sharciga haysan ee ku nool dalka Finland ey aad u yar yihiin waxaane lagu qiyaasay inta u dhexeyso 100-qofood ilaa 20-qofood,iyagoo su’aalo ka keenay in hindusuhu uu ka badan yahay tilmaan Siyaasadeed marka loo eego baahidda dhabta ah. Megengalyo doon Soomaali ah ee ku nool Finland lana yiraahdo Cali Xasan ayaa sheegay walaaca uu ka qabo in la masaafuriyo. Ka dib sideed sano uu joogay dalka Finland uuna sameeyey sideed codsi oo megengalyo ah balse loo diiday,Xasan wuxuu sheegay in hubanti la’aanta ey ahayd mid xad dhaaf ah.”Waxaan halkaan nolol kula dhisay Qoyskeyga”. Waxaan ka baqayaa inaan ku laabto Soomaaliya,halkaaso hanjabaadaha kooxaha sida ALshabaab ey khatar nagu gelin karaan”ayuu yiri Cali Xasan. Masuuliyiinta Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin booqashada,balse waxa ey qireen in dhaqaalaha yar ey ku leeyhiin dib u soo celinta dadka la soo tarxiilay. Soomaaliya waxa ey si weyn ugu tiirsan tahay Xawaaladaha ey ka soo xawilaan qurbaha kuwaaso dhaqaalaha Soomaaliya ku soo kordhiya lacag lagu qiyaasay $1.3-Bilyan oo doolarka Maraykanka ah sannadkii. Iyadoo Soomaaliya ey fahansan tahay baahidda loo qabo heshiisyada musaafurinta,saraakisha waxay ka digeen in shaqsiyaad lagu celiyo xaaladaha ey ka digeen eyna sii xumaan karto caqabadaha soo wajahaayo dadka la tarxiilayo iyo bulshadooda. Booqashadaan ayaa ku soo beegntay iyadoo sare u kacday baarista Siyaasadaha Musaafurinta ee Yurub oo dhan,gaar ahaan marka loo eego khataraha isku dhafan iyo xiriirka xumaaday ee Finland ey la leedahay wadamadda sida Ruushka. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland Elina Valtonen ayaa dhawaan tilmaantay muhimadda ey leedahay iskaashiga Caalamiga ah si looga hortago caqabadahan iyadoo la ilaalinaayo ku dhaqanka sharciga.
ISHA-FT.