SWEDEN OO XUKUNTAY NINKII GUBAY KITAABKA QURAANKA.
(SAWIRKA)-RASMUS PALUDAN.
(SAWEDEN)-Rasmus Paludan oo ah nin u dhaqdhaqaaqa Midigta fog ayaa sameeyey ficil laga carooday gudaha dalka Sweden ka dib markii uu gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah sannadkii-2022-kii. Garsooraha ayaa sheegay in ficilka Rasmus Paludan uu ka baxsan yahay Dhaleeceynta macquulka ah ee Islaamka balse uu ula jeeday inuu Sumcad dil ku sameeyo Muslimiinta. Maxkamad ku taalo dalka Sweden ayaa Afar bilood oo xarig ah ku xukuntay Rasmus Paludan oo ah nin u dhaqdhaqaaqa Midigta Fog ka dib markii lagu helay dembi ah Neceyb ka dhan ah Muslimiinta taaso sababtay in dalka Sweden ey ka dhacaan laba mudaaharaad sannadkii 2022-kii. Rasmus Paludan ayaa waxa uu kiciyey banaanbaxyo ka dhan ah Diinta Islaamka ka dib markii uu magaaladda Malmo ka dhigay Mudaaharaadyo ka dhan ah Diinta Islaamka oo uuna ku gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah. Maxkamada Xukuntay Paludan ayaa sheegtay inuu hadalo Gef ah uu kula kacay Muslimiinta,Carabta iyo Afrikaanka markii ey socdeen bananbayadiisa.
ISHA-DW.