GOLAHA SHACABKA BJFS OO ANSIXIYEY HINDISE SHAR…

(SAWIRKA)-GOLAHA SHACABKA EE BJFS.

(MUQDISHO)-Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sacdiya Yaasiin X.Samatar oo uu wehliyo Gudoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Md.C/laahi Cumar Abshiraw ayaa shir Gudoomisay kulankii 35-aad Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka BJFS. Kulanka maanta ayaa ajanduhu ahaay akhrinta seddexaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo ey soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada,Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha Gudiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Nadiif ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka. Intaas ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa u codeeyey Hindisa Sharciyeedka,waxaane ogolaatay 140-Xildhibaan,waxaane diiday hal Xildhibaan mana jiro Xildhibaan ka Aamusay codeynta. Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa mudanayasha uga mahad celisay Ansixinta Hindisa Sharciyeedka,iyadoo sheegtay in qeybaha ey quseyso ey kala tashadeen islamarkaana ey ku dareen fikradihii iyo talooyinkii ey Xildhibaanada ka dhiibteen akhrintiisii labaad. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee XFS Md.Faarax C/qaadir oo ey wehliso Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Maro Nuura Mustafa Mukhtaar ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahad celisay Ansixinta Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka kaaso muhiim u ah Tacliinta Sare ee Dalka. Kooramka maanta ayaa ahaay ilaa 141-Xildhibaan.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

MW-XASA SHEEKH OO KHUDBAD QAAYA LEH KA…

Next
Next

SWEDEN OO XUKUNTAY NINKII GUBAY KITAABKA QURAANKA.