SOOMAALI QEYB KA AH DAD LAGU XUKUMAY DIL TOO..

(SAWIRKA)-SACUUDIGA IYO MAXKAMADIHIISA.

(RIYAD)-Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa la hadal haayey arrin la xiriirta dad Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Boqortooyadda Sacuudiga, dadkaasi ayey wararkii hordhaca ahaay sheegeen iney dhan yihiin ilaa 200-Qofood oo Soomaali ah intooda badane lagu xukumay dil Toogasha ah. Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa dhammaadkii bishii hore ee Oktoobar booqasho ku tegay caasimadda Riyaad ee dalka Sacuudiga,waxa uuna halkaasi kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amiir Farxaan,lama sheegin waxa ey labada Wasiir ka wada hadleen balse waxaa si weyn loogu badinayaa iney isla meel dhigeen arrinta dadka Soomaaliyeed ee lagu haayo Xabsiyadda Sacuudiga kuwaaso qaarkood lagu xukumay dil ka dib markii lagu soo eedeyey iney dalka Sacuudiga Tahriib ku soo geliyeen Maandooriye(Drugs). Sida lagu soo daabacay Bogga Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa waxa lagu soo qoray Qoraal ka hadlaayo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyadda dalka Sacuudiga.

ISHA-BBC.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

SWEDEN OO XUKUNTAY NINKII GUBAY KITAABKA QURAANKA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH IYO RW-SCHOLZ OO KA HADLAY…