SUUDAAN OO CIIDAMADDA ITOOBIYA KU EEDEYSAY…

758059d41b11e09d214c986b0880da73.jpg

“Ciidamadda itoobiya ayaa ka soo gudbay xadka u dhexeeyo Suudaan iyo Itoobiya soona galay dhulka Suudaan taasine waa bilaabidda dagaal gardarra ah” waxaa sidaa yiri wasiirka arrimaha dibadda dalka Suudaan Cumar Qamarudiin Ismaaciil.

“Xadgudubka Itoobiyaanka ee gudaha dalka Suudaan waa mid nasiib darra ah aane la aqabali karin una sii kordhayso si dhaqsi,waane khatar raad xun ku reebi karta amniga iyo deganaashaha gobolka” sidaas waxa u qornaay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha Suudaan.Arrinta u dhexeeyso Suudaan iyo Itoobiya ayaa ah mid leh halisteeda waayo waxa ka dhalan kara dagaal aad u xun dad badane eey ku hoobtaan tusaale ahaan dhulka la isku haayo waa dhul si aada ugu wanaagsan beerashadda dal walbana uu sheeganaayo,dhexdhexaadinta labadaan dal ayaa waxaa isku dayey dalka Koonfurta Suudaan mana uusan ku guulaysan,halista uu la imaan karo dagaal dhexmara dalalka Suudaan iyo Itoobiya ayaa waxaa ugu weyn in dalalka Masar iyo Eritereeya la soo kala saftaan Suudaan iyo Itoobiya waayo dawladaha Itoobiya iyo Eritereeya waxa eey tuhunsan yihiin in Suudaan iyo Masar gadaal riixaayeen xogagii la dagaalamay dawladda dhexe ee Itoobiya ee TPLF-ta reer Tigray in kastoo dawladda uu hogaamiyo Abiy Axmed eeysan si cad u sheegin hadane waxa eey xustay in eey jiraan gacmo shisheeye oo la safan Tigrayda,waxaane weli taagan dagaalkii Tigray-da lagu qaaday dhibkii ka dhashay cidda qaadayso masuuliyadiisa iyo Eritereeya iyo soomaaliya oo loo haysto in ciidamadooda qeyb ka haayeen dagaalka Tigray-da lagu qaaday lagana yaabo in lagu maxkamadeeyo hogaamiyeyaasha Eritereeya iyo soomaaliya(Afawerke iyo Farmaajo).XIGASHO YAHOO NEWS.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

DAWLADDA SOOMALIYA MA OGTHAY DILALKA QAAR KA DHACA MUQDISHO?

Next
Next

KARIM ASAD AXMED KHAN OO LOO DOORTAY INUU NOQDO….