DAWLADDA SOOMALIYA MA OGTHAY DILALKA QAAR KA DHACA MUQDISHO?

FB_IMG_1548009837021.jpg

Tan iyo markii uu fashilka ku yimid shirkii Dhuusamaree-4 ee u dhexeeyey dawlad goboleedyadda xunbnaha ka ah dawladda federaalka soomaaliya waxaa soo badanaayey meydad laga helaayo xaafadaha magaaladda Muqdisho meydadkaasoo aan la aqoon cida soo dishay ee soo dhigtay goobta lagu arkay,dhawr maalmood ka hor ayaa waxaa meydad gaaraayo afar meyd lagu arkay degaanka loo yaqaano Ceelasha Biyaha kuna yaalo duleedka Muqdisho waxaane la aqoonsaday mid ka mida meydadkaas oo eey qaateen dadkiisa,ehelka qaatay meydka ma bixin wax war ah kuna saabsan meydkooda haddii eey noqon lahayd cidda eey ku tuhmaayaan ineey dishay iyo waxa uu qaban jiray qofka la dilay oo rag ahaay.Mana eeysan dhicin in afhayeen ciidamadda booliska Gashaanle Doodishe ka hadlo afarta meyd ee raga wada ah lagana helay degaanka Ceelasha Biyaha,balse waxaa la yaab ah oo qof kasta oo wax garta u cuntami weysay in maanta oo Axad ah kuna beegan 14/2/2021-ka la arkay afhayeenka ciidamadda booliska soomaaliyeed Gaashaanle Doodishe oo dhex taagan degmadda Dayniile ee gobolka banaadir halkaasoo uu ka dhacay dil loo gaystay seddex dumar ah oo laba ka mida eey isla dhasheen labana lahaayeen uur,su’aasha la is weydiin kara ayaa ah”Afartii meyd ee raga ahaay ee lagu arkay degaanka ceelasha biyaha eeysana ka halin dawladda federaalka soomaliyeed ma dad eey ayadu ogtahay ayaa fuliyey dilkooda?”Masuuliyiin hore oo xilal dhinaca amniga soo qabatay ayaa rumaysan in afartii meyd ee raga ahaay laguna arkay degaanka ceelasha biyaha ineey ahaayeen ciidmadda dhar cadka loo yaqaano ee ka hawlgala gobolka banadir kana tirsan hayadda NISA sababta loo dilay ayey masuuliyiintaas hore ee dhinaca amniga ah ku shegeen in ciidmadaasi lagu tuhmay ineey la shaqeeyaan mucaaradka dawladda federaalka soomaaliyeed,si kastaba ha ahaatee waa dhibaato ku korortay magaaladda Muqdisho amnigeeda oo horay u liitay.

Previous
Previous

GEESKA AFRIKA IYO GACANKA.

Next
Next

SUUDAAN OO CIIDAMADDA ITOOBIYA KU EEDEYSAY…