KARIM ASAD AXMED KHAN OO LOO DOORTAY INUU NOQDO….
Karim Khan waa garyaqaan u dhashay dalka Boqortooyadda Ingiriiska,waxa uuna karim Khan u takhasusay dembiyadda dagaalka,dembniyada caalamaiga ah iyo shaciga caalamaiga ee xuquuqul insaanka.Garyaqaan Karim Khan ayaa la taliye u ahaay xogahayaha guud ee qaramadda midoobay Mr.Gutteres waxa uuna madax u noqday koox ka socotay qaramadda middobay loona xil saaray ineey soo baraan dembiyaddii dagaal eey kooxda Daacish ka geysatay dalka Ciraaq, Karim Khan ayaa muddo 25-sano ah ka soo shaqeynaayey dembiyadda caalamaiga ah iyo xuquuqul insaanka.
In ka badan 120-dal ayaa waxa eey u codeeyeen garyaqaan Karim Khan doorasho la qabtay maalintii Jimcaha 12/2/2021-ka si uu noqdo dacwad soo oogaha maxmada qaada dembiyadda dagaalka, dembiyadda la xiriir ku xadgudubka xuquuqul insaanka iyo dembiyadda laga galo dad aanan waxba galabsan sida xasuuqa.Mr.Karim Khan ayaa noqon doono dacwad soo oogaha maxkamadda ICC marka la gaaro bisha juun-2021-ka waqtigaasoo uu xilka ka dhammaan doono garyaqaanad reer Gambiya ah Fatuo Bensouda,hawenedaan reer Gaambiya iyo inta la shaqeyneysay ayaa waxaa cuna qabateen ku soo rogay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Mr.Trump ka dib markii eey ku dhaqaaqday baaritaan demnbiyo dagaal oo ka dhacay dalka Afgaanistaan,dhulka reer Falastiin,waxaane xusid mudan in dalalka Maraykanka,Shiinaha,Iraa’iil iyo Ruushka eeysan ka mid ahayn dawladihii saxiixay dhisitaanka maxkamadda ICC. XIGASHO AP.