SOOMALIYA OO DHAQAALE KA HESHAY QM.

(SAWIRKA)-XARUNTA QARAMADDA MIDOOBE EE NEW YORK.

(NEW YORK)-Wararka ka imaanayo xarunta Qaramada Midoobe ee New York ayaa sheegaayo in maanta oo Talaada ah Qaramada Midoobe ey dalka soomaaliya ugu deeqday dhaqaale dhan shan milyan oo doolarka Maraykanka ah($5-Million),deeqdaan la siiyey dalka Soomaaliya ayaa loogu talagalay in wax looga qabto Roobabka xoogan ee ka da’ay dalka Soomaaliya oo sababay Fatahaad ey dad ku dhinteen kuwa kalane ey kaga barakeceen degaanadoodi. Dhaqaalahaan ka yimid Qaramada Midoobe ayaa ku soo aaadaayo waqti ey Soomaaliya heshay lacag 25-Milyan oo doolarka Maraykanka kana heshay Sanduuqa Gargaarka Bani’adenimada ee Soomaaliya iyo Sanduuqa dhexe ee wax ka qabsahada xaaladaha deg dega ah ee Qaramada Midoobe sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobe ee xiriirinta Arrimaha Bani’adanimada ee OCHA.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

AXMED GADAF IYO CALI XASAN GEEDI(MAQAN) OO ISA SOO DHIIBAY.

Next
Next

MW-XASAN OO MAANTA LA KULMAY DHALLINYARADA IYO AQOON…