AXMED GADAF IYO CALI XASAN GEEDI(MAQAN) OO ISA SOO DHIIBAY.

(SAWIRKA)-ODAYAAL ALSHABAAB AH .

(CEELDHEER)-Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaa waxaa isa soo taraayey hogaamiyeyaal,Oday dhaqameedyo iyo dagaalyahano ka wada tirsan kooxda Alshabaab iney isu soo dhiibaan ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya,dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab ayaa hadda waxa uu heer gabagaba ah ka marayaa maamuladda Galmudug iyo H/shabeele bartamaha dalka Soomaaliya. Hadab Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxa ey magaaladda Muqdisho ee caasimadda ah ku soo bandhigtay laba ka mida Odayaashii ugu Waa Weynaay ee kooxda Alshabaab u qaabilsanaay degaanadda degmada Ceel-Dheer,degmada Galcad,Mesegawaay iyo Budbud kana wada tirsan Gobolka Galgaduud,Odayaasha la soo bandhigay ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Cali Gadaf iyo Cali Xasan Geedi(Maqane),labadaan nin ayaa kooxda Alshabaab waxa ey baad uga soo qaadi jireen beesha ey iyagu ku abtirsadaan ee Wacaysle/Abgaal waxaa kaloo ey kooxda Alshabaab u soo qori jireen ciidamo u dagaalamo waxa eyna si qasab ah ku askarayn jireen caruur eysan ehelkooda raali ka ahayn.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WAA WIIL SOOMAALIYEED OO KU GUULAYSATAY ABAALMARINTA…

Next
Next

SOOMALIYA OO DHAQAALE KA HESHAY QM.