SOOMALI TAHRIIBAYSAY OO LA QABTAY.

Galbeedka xuduudka Arad ayey ciidamadda booliska wax ka yar afar iyo labaatan saac ka heleen sideed iyo labaatan muhaajir kuwaasoo isku dayaayey ineey si sharci darra ah ugu gudbaan dalka Romaaniya,muhaajiriintaan ayaa isku soo qariyey baabu qaada xamuulka.Muhaajiriinta la qabtay ayaa ka soo kala jeedo dalalka Afgaanistaan,Pakistan iyo soomaaliya,wadaha baabuurka eey la socdeen muhaajiriinta ayaa xaqiijiyey in muhaajiriinta ka soo gudbeen xuduudka NADLAC-2 halkaaso laga helay lix muhaajir ayagoo isku qarinaayo sanaadiiq eey ku jiraan cabitaan loo weday dalka Holland,sida lagu sheegay war eey soo saareen booliska xuduuda Arad muhaajiriinta reer Afgaanistaanee la qabtayayey da’adooda u dhexeeysaa 16-21 sano waane magangalyo doon. Isla xuduudkaas ayey booliska waxa eey baareen laba baabuur oo ah kuwa qaada xamuulka waxaane baabuurtaas wadayaal ka ahaay rag u kala dhashay dalalka Bulgaariya iyo Yukrayn waxa eeyna baabuurtu wadeen biro,dhalooyin iyo waxyaaba kale oo eey iska leeyihiin shirkado kala degan dalalka Jarmalka iyo Faransiiska,gudaha alaabta eey wadeen baabuurta ayaa waxaa laga soo dhex qabtay dad gaaraayo 14-qofood kana kala yimid wadamadda Afgaanistaa,Pakistaan iyo soomaaliya,waxa eeyna da’adoodu u dhexeeysaa 15-23 sano. XIGASHO AGEPRES.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

INQILAABKII FASHILMAY 19/2/2021-KA.

Next
Next

WAA MAXAY SABABTA WAX KU SAABSAN DAGAAL SOKEEYE UGA QARXAAYO SOOMAALIYA.