INQILAABKII FASHILMAY 19/2/2021-KA.

https___cdn.cnn.com_cnnnext_dam_assets_170208164002-01-mohamed-abdullahi-farmajo-file.jpg

Midawga musharixiinta ayaa bishaan febraayo-19-2021-ka waxa eey isugu soo bexeen banaanbax eey kaga soo horjeedaan madaxweynaha uu dhammaaday xilkiisa,waxa eeyna mudaaharaadkooda u qorsheeyeen inuu ka dhaco DALJIRKA DAAHSOON,waxaa dhacday in habeenkii Jimcaha soo gelaayey in dawladda soomaaliyeed eey magaaldda ku soo daadiso ciidamo uu tababaray dalka Turkiga looguna talagalay ineey la dagaalamaan Alshabaab,ciidamadaas(HARAMCAD/GORGOR) ayaa waxa eey weerar ku qaadeen hotel eey deganaayeen madaxweynayaashii xilka uga horeeyey Faemaajo(Shariif/Xasan sheekh) waxaane goobtaas ka dhacay dagaal aad u xun oo dhexmaray ilaaladdii madaxweynayaashii hore iyo ciidamaddii dawaladda soomaliyeed waxaane dib loo celiyey ciidamaddii dawladda ee rabay ineey la wareegaan Hotel-ka eey deganaayeen madaxweynayaasha ee Maa’ida. Maalintii lagu balansanaay bananbaxa inuu dhaco ee ahayd Jimcaha 19/2/2021-ka ayey qaar ka mida midawga musharixiinta socod ka soo bilaabeen halkii eey ka deganaayeen magaalada oo ahayd KM-4 waxaae ka hor yimid ciidmadda dawladda gaar ahaan kuwa loo yaqaano HARAMCAD-ka halkaasne waxa ka dhacay in rasaas lagu furo banaanbaxayaasha waxaane ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray banaanbaxayaasha,arrintaan waxaa ka dhashay carro taabatay xukunka Farmaajo waxaane la dareemay inuu Farmaajo damacsan yahay inuu dalka ku qabsado xoog,waxaane falkaas cambaareeyey dawladdo fara badan oo caalamka ah,hadaba wargayska WASHINGTON POST kana soo baxa dalka Maraykanka cadadkiisii soo baxay maanta oo ah Sebti-27/2/2021-ka ayaa waxa uu sheegay in Farmaajo dalbaday in ciidamadda uu tababaray Maraykanka loona yaqaano DANAB la keeno magaaladda Muqdisho si eey uga qeyb qaatan u adeegisa midawga musharixiinta sida Haramcad iyo Gorgor waxaane arrinkaas Farmaajo ka diiday tababarayaasha Maraykanka ah una sheegay in ciidamadaan ahayn kuwa loogu talagalay in loo adeegsado arrimo siyaasadeed kana madax banaan yihiin siyaasadda. Ku simaha wasiirka warfaafinta Dubbe waxa uu warbaahinta Muqdisho u sheegay in dalka soomaaliya uu ka badbaaday AFGEMBI aw ula jeedo in midawga musharixiinta rabeen ineey dalka xoog ku qabsadaan 19/2/2021-ka,Su’aasha u baahan in loo helo jawaab ayaa ah waa maxay sababta Farmaajo u dalbaday dhammaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran in la soo geliyo Muqdisho ka hor inta aanu dhicin bananbaxa? XIGASHO WASHINGTON POST.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

SOOMAALIYA XAGEEY U SOCOTAA?

Next
Next

SOOMALI TAHRIIBAYSAY OO LA QABTAY.