SOOMAALIYA XAGEEY U SOCOTAA?
Si aan jawaab ugu helo su’aashaas ayaan waxaan isku dayey inaan sameeyo baaritaan kooban lana xiriira waqtiga kala guurka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka soomaaliya. Tan iyo sannadkii 2000 dalka soomaaliya waxa uu ku socday nidaam doorasho baarlaman iyo mid madaxweyne waxa uuna dalka soomaaliya soo maray dawlad ku meel gaar ah waxa uuna u gudbay dawlad rasmi ah caalamkana aqoonsan yahay waxaane dawladaas hogaaminaayey madaxweyne Xasan sheekh,waqtigii eey jirtay dawladdii Xasan sheekh waxaa dhismay dawlad goboleedyo afar ah(Jubaland,Koonfur galbeed,Galmudug iyo Hirshabeele) waxaane shaneeyo dawlad goboleedka Puntland oo horay u jirtay iyo gobolka banaadir aan lahayn maamul uu isagu soo doorto balse dawladdii timaadaba u magacawdo gudoomiye. Dawladda uu waqti xileedkeedu dhammaaday ee uu hogaamiyo Farmaajo ayaa laga rabay ineey dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah dalkuna yeesho xisbiyo si dimuqaraadi ah ugu tartamaan xilka madaxweynaha,waxaa kaloo laga rabay ineey qabato dib u eegista dastuurka dalka lana dhamaystiro nasiib darro intaba ma eeysan sameeyn oo dalka weli kama eeysan dhicin doorasho lagu heshiis yahay waxaane taagan ismari waa siyaasadeed oo u dhexeeyo DFS,DG iyo midawga musharixiinta xilka madaxweynaha,mana jirto dib u eegis lagu sameynaayo dastuurka dalka oo waxaa loo xawilay inuu dib u eegis ku sameeyo baarlamaanka 11-aad ee la dooran doono waqtiyadda soo socdo,waxaane taagan su’aal ah dastuurka soomaaliya ku dhaqantaa ma xadiday waqti xileedka madaxweynaha JFS?
Dastuurka soomaliya waa uu xadiday cadeeyeyne muddo xileedka madaxweynaha JFS waxa uuna ku xusay Qodbka-91 waxa uuna leeyahay”MW JFS WUXUU XILKA HAAYNAYAA MUDDO AFAR(4) SANO AH OO KA BILAABANAYSA MAALINTA XILKA LOO DHAARIYO” taasoo macnaheedu yahay in dalka soomaaliya uusan lahayn madaxweyne sharci ah marka la fiiriyo sida ku xusan dastuurka qodobkiisa 91-aad waane taas tan keentay in Farmaajo loogu yeero madaxweynihii hore ee soomaaliya laakinse xukuumadda uu hogaamiyo RW-Rooble waa mid ku sime ah hawshana sii wedi doonta inta eey ka imaaneyso xukuumadii bedeli lahayd si eeysan u dhicin dawlad la’aan waqtiga kala guurka,midne in la fahmo waa lama huraan in dastuurka uu sheegaayo in xukuumaddu tahay xil gaarsiis waa sida uu qabo qodobka-103-aad oo dhahaayo”INTA U DHEXEEYSA TAARIIKHDA DOORASHADA GUUD IYO MARKA RAYSAL WASAARE CUSUB LA DHAARIN DOONO,RAYSAL WASAARIHII HORE EE XILKA HAAYEY IYO GOLIHIISA WASIIRADDA WAXAY SII HAYNAYAAN XILKA,WAXAYNA FULINAYAAN WAAJIBAADKA CAADIGA AH EE DAWLADDA SI XIL GAARSIIN AH”. Mar haddii dastuurkii lagu heshiiska ahaay sheegaayo sidaan waa maxay sababta loogu dhaqmi la’a yahay,beesha caalamkase maxay ugu kala aragti duwan tahay arrimhaan taagan ee sababay in dalka soomaaliya galo ijiid aan ku jiido aan dan u ahayn shacabka soomaaliyeed.
Rw-Rooble iyo midawga musharixiinta tan iyo khamiistii 25/2/2021-ka waxaa u socday kulano xal loogu raadinaayo wixii dhacay 19/2/2021-ka,waxayna u balansan yihiin khamiista 4/3/2021-ka ineey yeeshaan kulan kale,waxaase wax lala yaabo noqtay in madaxweynaha xilkiisu dhammaday Farmaajo uu ku baaqay in shir deg deg ah xamar la isugu yimaado 4/3/2021-ka taasoo loo arkay inuu ku carqaladeynaayo shirka loo balansan yahay khamiista sababta ugu weyn ee uu u sameyey ayaa lagu sheegay ineey tahay is aaminid la’aan ka dhex bilaabatay isaga iyo RW-Rooble waxa uuna Farmaajo is tusay in Rooble kala wareegay hawshii dalka sidaasne uu banaanka ku taagan yahay,arrinta eey la yaabeen siyaasiyiin badan ayaa ah in inta badan beesha caalamka taageereen dadaalka RW-Rooble halka safiirka dalka Maraykanka Yamamoto uu maray jidkii uu maray Farmaajo yirine shir ha la isugu yimaado,hadaba haddii dadaalka uu wado RW-Rooble uu ku soo dhammaado fashil eey sababeen Farmaajo iyo Yamamoto dalka waxa uu u jihaysan doonaa inuu galo dagaal sokeeye ama in arrimaha soomaaliya la wareegto qaramadda midoobay dalkuna dib ugu laabto ku meel gaar.