SOOMAALIYA OO YEELATAY XUKUUMAD CUSUB.
GOLAHA WASIIRADA.
(MUQDISHO)-Waxaa dhawaanahaan laga dhur sugaayey sida uu ka yeeli doono BJFS xukuumadda uu soo dhisay RW-Xamsa ugu dambayntiina maanta oo Axad ah(7/8/22)-ka ayaa xukuumadda cusub ee JFS la horkeenay Golaha Shacabka kulanka maanta oo ahaay in codka kalsoonida ah la siiyo xukuumadda ayaa waxaa ka dhashay buuq ka hor inta aan codka loo qaadin xukuumadda cusub,sababta keentay buuqa ayaa lagu sheegay ineey tahay in todobo xildhibaan codsadeen in xukuumadda codka loogu qaado si Qarsoodi ah taasne waxaa ka diiday gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe sidaas ayuuna buuqii ku bilaawday waxaane golaha si xoog ah looga saaray xildhibaanadii sameeyey buuqa goluhuna waxa uu sii watay hawshiisa oo waxaa cod gacan taag ah loogu codeeyey xukuumadda cusub. Tirada xildhibaanadda maanta soo timid xarunta golaha shacabka ayaa lagu sheegay ineey dhaameed 237-xildhibaan,229-xildhibaan ayaa siiyey codkooda xukuumadda cusub,7-xildhibaane waa eey diideen,1-xildhibaane waa maqnaaday sidaasne waxa ku ansaxday xukuumadda cusub ee uu hogaaminaayo RW-Xamsa.Hadaba ansixinta ka dib ayaa waxaa hadlay RW-Xamsa waxa uuna sheegay waxqabadka xukuumadiisa waxa eey noqon doonto waxa uuna RW-Xamsa ku soo koobay 11-Qodob kalana ah:(1)-Arrimaha Amniga oo eey qeyb ka tahay dhammaystirka hanaanka Amniga Qaranka iyo la dagaalanka Argagixisada.(2)-Garsoor Madax banaan.(3)-Isku filnaansho Dhaqaale.(4)-Horumarinta Arrimaha Bulshada.(5)-Qabyo tirka iyo dhammaystirka Dastuurka KMG ah.(6)-Horumarinta hanaanka federaalka.(7)-Dib u heshiisiinta.(8)Hirgelinta nidaam doorasho midaysan oo dimuqaraadi ah.(9)-Dardargelin wada hadalada DFS iyo Somaliland.(10)-Maamul wanaag.(11)-Xoojinta xiriirka caalamiga ah ayadoo laga duulaayo aragtida Madaxweynaha Soomaali Heshiis ah,Dunidana la heshiis ah. Waxaane sidaan ku soo afjarmay walaacii hareeyey baraha bulshada ee ahaay in xukuumadda cusub aanan la ansixi doonin balse la arki doonee waxa eey qabato. Dhinaca kale,intii uu socday fadhiga BJFS ayaa waxaa shan hoobiye laga soo tuuray dhinaca Degmada Hodan ee G/Banaadir hoobiyeyaasha ayaa waxa eey ku soo dheceen xaruntii hore ee ubaxa kacaanka(UKO) hadana ah xarun caafimaad loona yaqaano Isbitaalka AlJazeera una dhaw isgoyska Florence ee Degmada Wardhiigleey ee Gobolka banaadir,sida la sheegay hoobiyeyaasha ayaa waxaa ku dhaawacantay hooyo ka dib markii uu mid ka mida uu ku habsaday gurigeed meel u dhaw waxane hadda socdo baritan la xiriiro halka laga soo tuuray iyo cidda soo tuurtay.
ISHA WARKA-SUUQ BACAAD MEDIA.
SOMALIA.