SOOMAALIYA IYO WARARKII UGU DAMBEEYEY.

SAWIR QARAX.

(SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah(6/8/22)-ka waxa uu booqasho ku tegay xarunta Taliska Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ee(Commado polizia) ee Magaaladda Muqdisho,Madaxweynaha ayaa fadhi la qaatay dhammaan Taliyeyaasha Ciidamadda Booliska qeybahooda kala duwan uuna ugu horeeyo Taliye Xijaar waxa uuna Madaxweynaha kala hadlay Saraakiisha Booliska sidii loo adkeyn lahaay Amaanka Caasimadda Muqdisho oo farah ka sii baxaayey Maalmihii la soo dhaafay iyo sidii Ciidamadda Booliska eey ugu diyaar garoobi lahaayeen dagaalka Alshabaab kaaso Madaxweynuhu ku sheegay ineey ka mid yihiin mid Fikir,mid Dhaqaale iyo mid Ciidamba waane markii ugu horeeysay uu Madaxweyne Xasan Sheekh la kulmo Saraakiisha Ciidamadda Booliska tan iyo markii la doortay 15/5/22-ka. Dhinaca kale,shalay oo ahayd Jimco(5/8/22)-ka waxa eey Qaraxyo ka kala dheceen magaalooyinka Muqdisho iyo degaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeele,Qaraxa ka dhacay Muqdisho ayaa ahaay mid ka dhacay xaafadda Taleex ee Degmada Hodan Gobolka Banaadir qaraxaan ayaa dhacay ka dib markii rag u diyaarsanaay ineey fuliyaan qarax ismiidaamin ah uu kula qarxay Mooto Bajaajkii eey saarnaayeen gudaheeda waxaane ku dhintay sida la soo sheegay labadii nin ee ismiidaamin rabay waxa uuna dhaawac ka soo gaaray darawalkii weday Bajaajka loona qaaday isbitaalka. Degaanka kalaBeyr ee Gobolka Hiiraan waxaa shalay ka dhacay qarax lala beegsaday xero eey degan yihiin ciidamadda GORGOR kuwaaso halkaas u joogay ineey la dagaalamaan Alshabaabka ka gudba xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.Sida eey sheegeen Alshabaab qaraxa Kalabeyr waxaa ku dhintay 19-qofood oo ka wada tirsan Ciidamadda GORGOR waxaane ku dhaawacmay 23-kale,dadka la xaqiijiyey ineey ku dhinteen waxaa ka mid ah taliyihii xeredaas Jeneraal Takar Subagle Furcas.

ISHA WARKA/ SUUQ BACAAD MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO YEELATAY XUKUUMAD CUSUB.

Next
Next

WEERARKII ALSHABAAB EE ITOOBIYA.