SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY FALKII ITOOBIYA EE MAANTA.

(SAWIRKA)-MADAXDA AFRIKA EE KA QEYBGELAYSO SHIRKA ADDIS.

(MUQDISHO)-DEG DEG: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xoogan u cambaareysay isku day ey dawaladda Itoobiya sameysay maanta oo Sabti ah si ey wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga hor istaagto inuu ka qeybgalo shirka Ururka Midawga Afrika kaaso maanta ka furmay Addis Ababa. Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri”Habdhaqankani waxa uu ku biirayaa liiska sii kordhaayo ee falalka Guracan ey ku kacayso dawladda Itoobiya Mudooyinkaan dambe” Wasaaradda ayaa hadalkeedii sii raacisay oo tiri”In Xarunta Ururka Midawga Afrika ku taalo Addis Ababa waxa ey sharaf iyo Karaamo u tahay dawladda Itoobiya,haddiise dawladda Itoobiya ey ku Guuldaraysato iney sharafta iyo masuuliyadaas saaran qurxintii looga baahnaay laga waayo waxaa lagama maarmaan noqon doonto in Midawga Afrika uu dib u qiimeeyo halka ey Xaruntu tahay”.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO KA BEEN SHEEGTAY DHIMASHADA TAKHAATIIRTA KUUBA.

Next
Next

LABA QARAX OO MUQDISHO LAGU FASHILIYEY MAANTA.